xiiq3 Xiiq qabsasho; xuurtoodid. xiiqdheer1 Cudur qufac badan leh oo carruurta ku dhaca. ld kix. xiiqdheer2 (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo ee muddo gaaban, inta badanku dhaca caruurta oo uu keeno caabuq (mucosa) xuubka malaaska ee cunaha baktiiriyumka loo yaqaan “bordatella pertussis”. Kalhuu-riska oo ah 1-2 toddobaad ka dib waxa bilowda xaako, qandho fudud, qufac iyo cunno xumo. Qufacu wuxu noqdaa mid soo noqnoqda soona kordha: qofacyo gaagaaban oo isku xigxiga waxa raacaya neef jeed khasab ah taas oo sameyneysa codkii kixda. Waxa sida badan dhacda dhiigbax sanka iyo afka ka yimaada iyo matag qufaca xiriirka ah ka yimaada. xiiqid eeg xiiq².
xiiqlee Aad u xiiqid.
xiiqley ld hiiqley, xiiqdheer.
xiiqleyn eeg xiiqlee.
xiiqsan Wax xiiqay ahaansho.
xiiqsanaan eeg xiiqsan. ld xiiqsanaan-sho.
xiiqsanaansho ld xiiqsanaan.
xiir Timo iwm gun ka jarid.
xiiran Wax la xiiray ahaansho.
xiirasho eeg xiiro.
xiirid eeg xiir. ld xiirniin.
xiirimaad ld xiirrimaad.
xiirnaan eeg xiiran. ld xiirnaansho.
xiirnaansho ld xiirnaan.
xiirniin ld xiirid.
xiiro Timo madax ama gar ka jarasho.
xiirrimaad Gun ka jaridda timo iwm gunta laga jaro. ld xiirimaad.
xiis1 1. Xiisad. 2. Geed-abaareed aad u weynaada oo xabag udgoon (guubali) leh. xiis2 1. (f.g) Xargo dhowr ah isku soohid. 2. (f.mg) U x.: wax u hiloobid. xiisaan Cad maro ah oo dhuuban oo askartii hore dhexda ku xiran jireen.
xiisad 1. Biya ama dabayl si xooggan u socda. 2. (-do, m.l) Qas iyo qalaanqal xasil-loonida degaan wax u dhima.
xiisadhac Ka x.: wax rabiddooda dhumin; xiiso wax loo qa-bay lumin.
xiisadhicid eeg xiisadhac.
xiisayn eeg xiisee.
xiisee Wax araggooda ama heliddooda aad u rabid.
xiisid eeg xiis².
xiiso Wax la jeclaan jiray, kolka danbe oo la helo, rabitinka la iska dareemo ama loo qaado ama lagula dhaco.
page : 1553 of 1584
<< < 1548 1549 1550 1551 1552 1553 1554 1555 1556 1557 1558 > >>