ximaar Dameer.
ximaayayn eeg ximaayee.
ximaayee Cid si kaftan ku jiro wax uga sheegid.
ximaayo Xifaalo; xin.
ximi Si xin ku jiro cid ula dhaqmid.
ximin eeg ximi.
ximir 1. Xiddig weyn oo u dhexeeya dirirka iyo haltoddobaaddada. 2. Roobabka dayrta ugu horreeya mid ka mid ah. 3. Xilli ka mid ah xilliyada dayrta.
ximre Bayd faal oo manjaha tan ka sarraysa iyo madaxa ka ah min labo, madaxa tan ka hoosaysana hal. ld cimre.
xin 1. Colaad yar oo masayr iyo xaasidnimo leh oo dad qaraaba ahi isu qabaan. 2. (-man, m.l) Biyafariisin yaroo xareed ah.
xinif Is necbaan yar oo dad ka dhexeysa.
xiniin1 Nin ama neef lab ah oo hal xiniin leh. xiniin2 Labada qanjir, oo ugaxda qaabkeeda leh, oo qooraha ku jira, oo biyaha laboodka sameeya, middood; raayaha middood. xiniin3 (c.nafl.) Labada kuus-kuus ee xubin nimeedka ah oo sameeya shahwada, soona saara hormoonka ragga (androojin) oo ku xiran hormoonno kale (goonadotrofiinis) oo laga soo daayo qanjir dhiiqa bitwitariga. xiniin-xolac (daaw.) Halaamacoodka xiniinyaha wuxuu keena xanuun, casaan iyo barar maqaarka xiniin-yaha waxaana wehelin kara halaamacoodka dhuumaha shahwada.
xiniintaabasho eeg xiniintaabo. ld xi-niinyataabasho.
xiniintaabo ld xiniinyataabo.
xiniinyataabasho eeg xiniinyataabo. ld xiniintaabasho.
xiniinyataabo Qof la raba in laga salgaaro xummaantiisa, gardarro bareer ah ku samayn. ld xiniintaabo.
xinjir Dhiig guntamay.
xinjir-roor (daaw.) Xaalad dhiiggu uu ka beddelmo dareere oo uu noqdo adke oo uu sameeyo xinjir. Xinjir-awd wuxuu ku dhacaa xididdada dhiigga waana xaalad cudureed. Xinjir awdku halbowle wuxu keenaa in dhiiggu ka xirmo soohyada halbowluhu waraabin jiray intuu-san xirman. Awdmidda halbowle maskaxeed waxay ka mid tahay sababaha keena dhibib-ka (strike); xinjir awdka halbowle wadneedna waxay keentaa wadne wareen (heart attack).
xinne ld xinni.
xinnee Xinni marin (meel).
xinneyn eeg xinnee.
xinneysasho eeg xinneyso.
xinneyso Xinni marsasho.
xinni Cillaan. ld xinne.
xiqdi Colaad iyo nacayb uurka lagu hayo.
xir1 Kayn jiq oo aan meel la maro lahayn. xir2 1. Wax xarig iwm ku qabasho, ku guntid. 2. Cid xabsi gelin. 3. Albaab qataarid. 4. Hawl meel ka socotay joojin. xiran1 Wax la xirey noqosho.
page : 1556 of 1584
<< < 1551 1552 1553 1554 1555 1556 1557 1558 1559 1560 1561 > >>