yabar Xoolaha ugu horreeya oo la siiyo arooska.
yabarayn eeg yabaree.
yabaree Ka y.: cid mingis, rooxaan iwm ka muddeyn (ka tumid).
yabaro Waxyaalo dadka wadaaddada qaba loo sameeyo, waxayna u dhexaysaa “saagootiga” iyo “ruqsada” (wadaaddo; fiqibburaale).
yablas1 Qaylo badan. yablas2 Qaylo badan samayn. yablasid eeg yablas².
yabooh1 1. Dadka cayrta ah, baryada ay wax ku weyddiistaan; waxa kolkay yaboohsadaan la siiyo. 2. ld yaboohid. yabooh2 1. Ka y.: baadi meel shir ah ka naadin. 2. U y.: cid, cid kale taageero u weyddiin. yaboohi 1. Baadi la hayo shir ka baafin. 2. Yabooh weyddiin.
yaboohid eeg yabooh². ld yabooh¹ (2).
yaboohin eeg yaboohi. ld yaboohis.
yaboohis ld yaboohin.
yaboohsad ld yaboohsasho.
yaboohsasho eeg yaboohso. ld yabooh-sad, yaboohsi.
yaboohsi ld yaboohsasho.
yaboohso Qof cayr ah cid baryid.
yabqid eeg yabaq². ld jabqid.
yac1 Sagaarada teeda dheddig. yac2 Ka joog! Daa! yacarun ld carun.
yacay1 Geedo yaryar iwm oo dhawraarin ahaan gogosha iyo dhulka la kala dhexgeliyo; asgogol. yacay2 Guri yacay dhigid. yacayan Guri wax yacay la dhigay ahaansho.
yacayid eeg yacay².
yacaynaan eeg yacayan. ld yacaynaan-sho.
yacaynaansho ld yacaynaan.
yacni Waxaa loola jeedaa.
yacyacood 1. Y. ah: miro aan weli bislaan. 2. Y. ah: hilib aan bislaan oo weli dhiiggii leh.
yad1 1. Awood gacan lagu fuliyo. 2. Mulkile. 3. Gacan. ld yed¹.
page : 1575 of 1584
<< < 1570 1571 1572 1573 1574 1575 1576 1577 1578 1579 1580 > >>