Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
lakab-bayga maskax-horaad (c.nafl.) Lakab ka kooban walax ramaadi ah kaas oo sameeya lakabka sare ee siribaramka lafdhabarley badan. Waxay aad ugu horumarsan tahay naasleyda. Waxay masu'uul ka tahay xukunka iyo isugeynta dhaqdhaqaaqa iraadiga ah iyo dareennada aragga, maqalka, taabashada iwm. Waxa kale oo ay ka kooban tahay xarumo ku shuqul leh xusuusta, luqadda, fekerka iyo garaadka.
lal Wax duulid.
lali (1) Fiidmeer.
lali (2) Wax duulin.
lalid eeg lal.
lalin eeg lali². ld lalis.
lalis ld lalin.
lallabayn eeg lallabee.
lallabaysad ld lallabaysasho.
lallabaysasho eeg lallabayso. ld lallabaysad, lallabaysi.
lallabaysi ld lallabaysasho.
lallabayso Ka l.: wax meel yaal wada xaraasho.
lallabbo ld lallabo.
lallabee Wax dhacay dad uga digid.
lallabo (1) 1. Laqanyo; yaqyaqsi. 2. Qayladhaan gurmad degdeg ah. 3. Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca. ld labbalabbo, labballabbo, lablabbo, lallabbo.
lallabo (2) (daaw.) Dareenka in qofka mataggu hayo oo kale, sida dadka safarka badda ama wallaca.
lallaboo Yaqyaqsi dareemid.
lallabood eeg lallaboo.
lalleemo (daaw.) Gariir gacmaha dadku yeeshaan gabow ama jirro awgeed.
lalmad ld lalmasho.
lalmasho eeg lalmo. ld lalmad.
lalmi Wax laallaadin.
lalmin eeg lalmi. ld lalmis.
lalmis ld lalmin.
lalmo Wax laallaada noqosho.
Lamaane eeg Lammaane.
lamaddegaan (1) Dhul ballaaran oo aan dhir iyo biyo midna lahayn, dad iyo duunyana ku dhaqmi karin.
lamaddegaan (2) (juqr.) Dhul aan deegaani ka bixin oo roobka iyo qoyaanka kaleba ku yaryihiin oo aan qoyaanku si fiican u kaalmayn deegaanta lamaddegaan aan haba yaraatee deegaani ka bixin, ma aha caadi. Waxaa laga yaabaa in lamaddegaanku yahay mid uu caws aad u liitaa ka baxo ama dhir aad u liidataa. Waxaa jira lamaddegaanno dhawr nooc ah sida: lamaddegaan dhadhaabeed, lamaddegaan dhagaxeed, iyo lamaddegaan bacaadeed. Lamaddegaannada waxaa loo qaybiyaa labo nooc: lamaddegaannada kulaalayda iyo kuwa loolalka dhexe. Kawa kulaaleyda waxaa ugu caacsan tan Sahaara iyo tan Areebiya. Kuwe loolka dhexena waxaa ugu caansan midda Goobi iyo midda Turkistan.
lamafilaan L. ah: wax si kedis ah ku dhaca ama ku yimaad.
lamagayaan Rag iyo dumar inta aan meher isu qaban.
<< < 14 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 > >>

 

Exit mobile version