Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dabaylwac
disti  ld digsi.
distuur  (siyaa.) Nidaam dawladeed oo leh sharci, iyo aasaas oo la rabo in lagu maamulo dawlad.
dix  Togga intiisa biyuhu maraan oo ciidda jilicsan.
dixad  ld dixasho.
dixasho  eeg dixo. ld dixad.
dixi  (bot.) Cawska xooluhu daaqaan kuwa ugu nafaqa badan mid ka mid ah, jilicsan oo meelaha biyo-qabatinka leh ka baxa. ld duxi¹.
dixiri  Dulin xamaarta, noocyo badan, lafo iyo lugo lahayn oo oogadiisna xibnoxibno u qaybsantahay. ld dirxi, dixri, tirxi, tixiri, tixri.
dixo  1. Ciidda ka dusid (biyo ama hoore kale). 2. Biyo qulqulid. 3. U d.: cid u naxariisasho.
dixri  ld dixiri.
diyaad  ld digaag.
diyaafad  Martiqaad weyn oo dad badani ka qaybgalaan oo cunta badan lagu cuno. ld dayaafad.
diyaafadi  Martiqaad weyn bixin. ld dayaafadi.
diyaafadin  eeg diyaafadi. ld dayaafadin.
diyaaj  ld digaag.
diyaaleetiko  Xeeladda fekerka iyo ra'yi isdhaafsiga. ld diyaalegtiko.
diyaalegtiko  ld diyaaleektiko.
diyaamid  ld dayaamid.
diyaan1  ld dayaan¹. diyaan2  ld dayaan². diyaar  D. ah: wax u darban in ay wax qabtaan ama lagu qabto.
diyaarad  ld dayuurad.
diyaargarayn  eeg diyaargaree.
diyaargaraysasho  eeg diyaargarayso.
diyaargarayso  Wax diyaarsasho.
diyaargaree  Wax diyaar ka dhigid.
diyaargaroobid  eeg diyaargarow². ld diyaargarow¹ (2).
diyaargarow1  1. Isdiyaarinta qof isu diyaariyo wax uu rabo inuu qabto ama ku soo fool leh. 2. ld diyaargaroobid. diyaargarow2  U d.: wax diyaar u ah inuu wax qabto noqosho (qof). diyaari  Wax diyaar ka dhigid.
diyaarin  eeg diyaari.
page : 186 of 218
<< < 181 182 183 184 185 186 187 188 189 190 191 > >>

 

Exit mobile version