cagaaris ld cagaarin.
cagaariye (baay.) Walaxda mas'uulka ka ah midabka cagaaran ee dhirta badidoodu leedahay, molikiyuulka cagaariyuhu waa xudunta ugu muhimsan ee nuugista ilayska marka la eegayo falgallada ilayska ee footoosintasiska.
cagaarnaan eeg cagaaran. ld cagaarnaansho.
cagaarnaansho ld cagaarnaan.
cagaaro 1. Wax cagaar noqosho. 2. Caano la lulayo firfiryeelasho.
cagaarshow 1. Cudur dadka ku dhaca,beerka waxyeeleeyo, oo indhaha iyo kaadida cagaarsha. 2. (daaw.) Hurdi noqoshada ama cagaarashada jirka meelo ka mid ah sida: maqaarka, caddaanka indhaha; taas oo tilmaameysa biilirubiinka oo dhiigga ku badan. ld Indhacaseeye.
cagaarside (baay.) Cagaarside laga helo unugyada dhirta waaweyn iyo aljiga. Marka laga reebo cagaar-buluugga ah dhirta waaweyn C.duhu wuu wareegsanyahay sida saxanka oo kale, laakiin ka aljigu wuu muuqaalo badanyahay.
cagaaryahan Dad qudaarta ku nool oo aan hilibka cunin.
cagabbaruur 1. Dhasha yaryar ee libaaxa. 2. Ilmo aad u cayilan oo aan socod weli gaarin.
cagabbeel1 Hanti yar oo la siiyo qof baadi doonay. cagabbeel2 Ku c.: qof, baadidoon daal badan kala kulmid. cagabbeelid eeg cagabbeel². ld cagabbeelis.
cagabbeelis ld cagabbeelid.
cagacad Wax aan kabo xiranayn ahaansho.
cagacaddaan eeg cagacad. ld cagacaddaansho.
cagacaddaansho ld cagacaddaan.
cagadhabad ld cagadhabasho.
cagadhabasho eeg cagadhabo. ld cagadhabad.
cagadhabo Caga dhulka la dhicid.
cagadhigasho eeg cagadhigo.
cagadhigo 1. (f.g) Wax duulaya sida haad, dayuurad iwm dhulku degid. 2. (f.mg) Nafley socota ama caraysan xasilid.
cagaf Cagta geela. ld cuguf.
cagafcagaf1 Gaari xoog badan, leh lugo rabar ama bir ah oo beeraha lagu falo ama lagu geed qaado. cagafcagaf2 C. leh: cod lagu muujiyo meermeeridda. cagag Weel gun gaaban.
cagaggubyo Kulka cagta nafleydu dareento markay kulaylka qorraxdu ku dhacdo ciidda. ld cagagubad.
cagaggubyoo Cagagubyo dareemid.
cagaggubyood eeg cagaggubyoo.
cagago Nabarro salka carrabka ee dadka iyo geela ka soo baxa.
cagagubad ld cagaggubyo.
page : 20 of 95
<< < 15 16 17 18 19 20 21 22 23 24 25 > >>