doolo Caws dhaadheer, rarada laga sameeyo oo geed gaabyada ka hoos baxa.
doolshe Macmacaan ka sameysan bur, ukun, caano, sonkor iwm. ld doorshe.
doomaar 1. Naq cayada la bah ah oo degellada ka baxa. 2. Cayo.
doomayn eeg doomee.
doombir Geedsaar buruq weyn oo la cuno leh.
doomee Dhul la falay doomo ka soo bixid.
doomid eeg doon². ld doonis.
doomo Nagaarka ka soo hoos baxa dalagga la beero.
doon Gaadiid badeed shiraac leh oo markabka ka yar bedenkana ka weyn; xaryan. ld doonni.
doon1 1. Xoolo tabar yar oo aan aroor dheer geli karin. 2. Meel dhulka inyar ka yara kacsan. 3. Ciidda iyo dhoobaha ceelasha dhaadheer hoostooda laga soo saro. doon2 1. (f.g) Ceel dhoobo ka soo saarasho. 2. (f.mg) Xoolo iwm caatoobid. doon3 1. Wax rabid. 2. Wax raadin. 3. Gabadh guur laga doonayo reerkooda weydiisasho. doonasho eeg doono.
doondoon1 1. Raadinta wax aan la hayn ama lumay oo hadba meel laga dayo. 2. ld doondoonid. doondoon2 Wax aan la hayn ama lumay hadba meel ka dayid. doondoonid eeg doondoon². ld doondoon¹ (2).
Dooneyso 1. Wax rabid. 2. Wax raadin.
doonfaar ld doofaar.
doonfaarad ld doofaarad.
doonge 1. D. ah: qof caqli yar. 2. D. ah: dheri weyn cuntada lagu karsado.
doonid eeg doon³. ld doonis.
doonis ld doomid. doonid.
doonnan Wax nin la siiyey ahaansho (gabar).
doonnanaan eeg doonnan. ld doonnaanansho.
doonnanaansho ld doonnanaan.
doonni ld doon.
doono Wax raadsasho (nafley).
doonyeysad ld doonyeysasho.
doonyeysan Qof maro doonyeystay ahaansho.
doonyeysasho eeg doonyeyso. ld doonyeysi, doonyeysad.
page : 191 of 218
<< < 186 187 188 189 190 191 192 193 194 195 196 > >>