Doon

Qaabnaxa: Magac Dheddig ah | Feminine Noun Isrogrogga: (-oomo/-nyo, m.l)

Gaadiid badeed shiraac leh oo markabka ka yar bedenkana ka weyn; xaryan. ld doonni.

Doon

Qaabnaxa: m.l Isrogrogga:

1. Xoolo tabar yar oo aan aroor dheer geli karin. 2. Meel dhulka inyar ka yara kacsan. 3. Ciidda iyo dhoobaha ceelasha dhaadheer hoostooda laga soo saro.

Doon

Qaabnaxa: Fal Gudbe/Magudbe1 | Verb Transitive/Intransitive1 Isrogrogga: (-oomay, -oontay; -oomi)

1. (f.g) Ceel dhoobo ka soo saarasho. 2. (f.mg) Xoolo iwm caatoobid.

Doon

Qaabnaxa: Fal Gudbe1 | Verb Transitive1 Isrogrogga: (-nay, -ntay; -ni)

1. Wax rabid. 2. Wax raadin. 3. Gabadh guur laga doonayo reerkooda weydiisasho.

Soohad, soohdoon, soohdeen, tidcay, tidcadeen*

Heblaayo timiihii Beey soohatay hablihii timiihii Baa loosoohay…wiilkii Timiihii Buu soohday heblayo timiihii Baa loo tidcay timiihii Baa loo dabay gabdhihii timihii Baa loo tidcay,dumarka qaarkood iyagaa tidcadeen timahooda,iyagaa timahooda dabtay iyagaa timaha soohatay.


* = Waxaa kudaray Akhristayaasha.

Erey(o) la macne ah ama xiriir la leh ereyga doon

aakhiro | aakib | oddoros | caabbiri | oddoros | yaasiinmaddoone | baadiddoon | baadiddoon | baadiddoonid | baadiddoonis |
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg