Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fidmawade
doonyeysi  ld doonyeysasho.
doonyeysnaan  eeg doonyeysan. ld doonyeysnaansho.
doonyeysnaansho  ld doonyeysnaan.
doonyeyso  Qof fadhiya si doonyo ah maro u xirasho.
doonyo  Hab qof fadhiyaa uu maro jilbaha iyo dhabarka isugu xiro oo ku nasta.
dooq  Dareen dadka u gaar ah oo qola jecleysiiya waxyaabo isku nooc ah.
dooqlaawe  Qof aan dooq lahayn.
door  1. Kaalinta uu ka qaato hawl hirgelinteeda. 2. Kal; d.kii hore: mar kowaad. Tus. “D.kii hore baastaa timid”. ld dawr¹, dowr¹ (2).
door1  1. Wax xul ah. 2. In d. ah: wax aan la tirin karin oo qiyaas ahaan badan. 3. ld doorid. door2  Wax xulid. doorad  ld doorasho.
dooradduur  Kabaraay.
dooranuug  Hal ilmaheeda gaar ula baxda oo nuujisa.
doorashada dabeecada  (baay) Aragtida isbeddelka ay xayawaanka, iyo dhirtu ay ku noolaadaan, ama ay ku dhintaan marka la fiiriyo awoodda ay ku qabatimaan naftooda degaanka ay ku noolyihiin.
doorasho  eeg dooro². ld doorad.
dooray  Neef caano yar.
doorbid  Wax wax kale ka jeclaansho; fadilid.
doorbidid  eeg doorbid.
doori  1. Siduu ahaa maahee si kale ka dhigid; wax wax kale dhaafin; beddelid. 3. Sarrifid (lacag).
doori1  Ilmo yar, lo'ah oo aan hooyadii lala nuugin. doori2  1. Ilmo yar oo lo'aad hooyadii siduu doono u nuugid. 2. Wax si xun ka dhigid. dooribeyn  Qalab yar oo bikaaco leh oo waxa fog muuqaalkooda soo dhaweeya.
doorid  eeg door². ld door¹ (3).
doorin  eeg doori². ld dooris.
doorin1  eeg doori. ld dooris. doorinuug  ld dooritus.
dooris  ld doorin.
dooriso  Wax doorisa; sidii hore si ka xun ka dhigta; duf (duf iyo d.).
dooritus  D. ah: neef xoolo ah oo marka ilmihiisu nuugayaan dadka iyo xoolaha kale ka fogaada. ld doorinuug.
dooro1  1. (u) Shimbir aan buubin, guri joog ah oo dadku manaafacaadsadaan; digaag. 2. (u) Digaagga middeeda dheddig. 3. Baaro.
page : 192 of 218
<< < 187 188 189 190 191 192 193 194 195 196 197 > >>

 

Exit mobile version