Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qooshid
salaw (1) Qaylo iyo buuq dhiillo leh.
salaw (2) Qaylo iyo buuq dhiillo leh samayn. ld salow².
salax (1) 1. Dhul goof noqday. 2. Dhul siman oo sisib ah.
salax (2) Bidaar-horaad; hiiro.
salayn eeg salee. ld salays.
salays ld salayn.
salaysan Ku s.: wax, wax kale ku tiirsan ahaansho.
salaysnaan eeg salaysan. ld salays-naansho.
salaysnaansho ld salaysnaan.
salbuko Nooc digirta ka mid ah oo yaryar midab cagaaranna leh.
saldanab (fiis.) Summad: Q. Astaan ay leeyihiin saxarro saleedyada oo sababta in xoogag ka dhex dhashaan. Elektaroonku waxa uu leeyahay saldanab taban, borotoonkuna saldanab togan.
saldanad ld saldano.
saldano (1) 1. Awood xukun. 2. Boqor-tooyo. ld saldanad.
saldano (2) (siyaa.) Awoodda siyaasadeed oo buuxda ee uu waddan leeyahay e uu ku maamulayo waddankiisa, ama dal ama waddan.
saldhig 1. Aasaas. 2. Meel ciidan xarun u ah. 3. Rug ciidan ay ku leeyihiin dal aan kooda ahayn. 4. Maamul booliis oo heer degmo ah.
salee 1. Ku s.: wax sal u yeelid. 2. Arrin xaqiiqdeeda sugid.
saleelmac Geedgaab leh caleemo jiljilicsan oo aan jebin iyo qodxo yaryar. ld salaamaco.
salfar (kiim.) Curiye kiimiko ah oo summaddiisu tahay (S) atamka culays-kiisuna yahay 16 oo midab hurdi ah leh oo macdanta ama dhagxaanta karkarin looga miiro waxyaalo badanna lagu qabsado.
salfiyuurik-asiidh (kiim.) (H2SO4) Hoor saliidda u eg oo midablaawe ah, laguna diyaariyo habka kulanka.
salfudaansho ld salfududaan.
salfudayd Dabeecad salfudayd iyo samir la'aan leh. ld salfududaan.
salfudud Qof wuxuu samaynayo aan ka fiirsan ahaansho.
salfududaan eeg salfudud. ld sal-fudayd, salfududaansho.
salfududaansho ld salfududaan.
salgaar Ka s.: arrin iwm xaqiiqdeeda ka jiba gaarid.
salgaarid eeg salgaar.
salgamid eeg salgan².
salgan (1) Dhaqdhaqaaq badan oo aan loo baahnayn oo nafleydu samayso.
salgan (2) Dhaqdhaqaaq badan oo aan loo baahnayn samayn (nafley).
salguur (1) Ciribtirmidda wax ciribtirmaan.
<< < 17 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 > >>

 

Exit mobile version