Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qawadid
halkable  1. Qof aan gabay fiican aqoon oo hadba hal soo rida. 2. Gabarey-maanyo.
halkan  goobtan, meeshan.
halked  Nooc libaax-badeedka ka mid ah.
halkudheg  1. Dulucda hadalka ku jirta. 2. Hadal kooban oo murti xambaarsan.
hallaabid  eeg hallow².
halladaadi  Wax baylahin.
halladaadin  eeg halladaadi.
halladaado  Isku ladidda wax qabashadooda la isku lado; baylax, dacdarro.
hallagaasheego  Istus tookh; faan.
hallahalla  ld halhaleel.
hallayn  eeg hallee. ld hallays.
hallays  ld hallayn.
hallaysan  Wax la halleeyey ahaansho.
hallaysnaan  eeg hallaysan. ld hallaysnaansho.
hallaysnaansho  ld hallaysnaan.
hallee  1. Wax qarribid. 2. Ku h.: qof wax ku aaminid.
hallig1  ld halaagid. hallig2  ld halaag². halligan1  ld halaagan¹. halligan2  ld halaagan². halligid  ld halaagid.
halligis  ld halaagid.
halligmid  ld halaagmid.
hallignaan  ld halaagnaan.
hallignaansho  ld halaagnaan.
hallihalli  ld halhaleel.
hallow1  1. ld hallaabid. Lumidda wax ka lumaan jidka toosan. 2. H. ah: nafley jidkii toosnaa ka luntay. hallow2  1. Wax lumid. 2. Wax qarraabid. hallowsan  Nafley wax jidka toosan ka lumay ahaansho.
hallowsanaan  eeg hallowsan. ld hallowsanaansho.
page : 23 of 93
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>

 

Exit mobile version