Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: hadwasho
salguur2  Wax ciribtirmid. salguurid  eeg salguur².
salid  ld solid.
saliib  Istillaab kirishtaanka summad u ah.
saliibiyiin  Ciidamadii masiixiga ahaa oo soo weerarey baytulmaqdis, Suuriya iyo meelo Falastiin ka mid ah, qarnigii kow iyo tobnaad ilaa qarnigii saddex iyo tobnaad.
saliid  1. Hoore dufan ah oo miraha dhirta qaarkeed laga miiro raashinkana lagu iidaanto. 2. Hoore layiig ah, isku qasan oo idarokarbuuri ah oo ka dhasha isbedello, ka yimid haraayo orgaaniko ah oo tiro badan, dhulka hoostiisa muddo dheer ku biirsamay oo marka la sifeeyo loo isticmaalo iftiinsasho iyo shidaal. ld seriir.
saliidee  1. Wax saliid ku darid. 2. Wax saliid marin.
saliideyn  eeg saliidee. ld saliideys.
saliideys  ld saliideyn.
saliifad  Weel yar oo qori ah oo biyaha looga dhuro.
saliilyo  Dareen jiriirico leh oo jirka ku fida marka ilkaha ciid iwm gaaraan.
saliilyoo  Saliilyo dareemid.
saliilyood  eeg saliilyoo.
saliim-bibanji  Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena shan. ld banji-bisaliim, biish-bisaliim, saliim-bibiish.
saliim-bibiish  ld saliim-bibanji.
saliim-bicaddaan  ld cad-daan-bisaliim.
saliim-biddooh  ld dooh-bisaliim.
saliim-bijoohaar  Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena afar. ld joohaar-bisaliim.
saliim-bishiish  Dhagax dubnadeed oo wejiga lagu ciyaaro dhinac saddex dhibcood ku leh, dhinaca kalena lix. ld shiish-bisaliim.
saliim-biyeeg  ld yeeg-bisaliim.
saliimad  Dhagax dubnadeed oo wejiga cayaarta loogu talaggalay labadiisa dhinac min saddex dhibcood ku leh.
saljigle  ld barijugle.
saljugle  Salka oo loo dhaco.
sallaaddo  Waran yar oo lagu dagaalo.
sallaan  Jaranjaro.
sallaatulqasri  ld salaatulqasri.
sallad1  S. ah: qof dhibaatadiisu joogto tahay. sallad2  1. Ul dhumuc weyn oo warmaha lagula dagaallamo. 2. ld selled. Dambiil yar. sallad3  Ku s.: cid wax dhiba ku dirid. ld sallid³. salladan  Ku s.: wax, wax kale dhibaato joogto ah ku sameeya ahaansho. ld sallidan.
page : 23 of 118
<< < 18 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 > >>

 

Exit mobile version