Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: geedqaad
magacdarri  ld magacdarro.
magacdarro  Sumcad xumo qof la soo gudboonaato. ld magacdarri.
magacdheer  Wax caan ah ahaansho (qof ama meel).
magacdheeraan  eeg magacdheer. ld magacdheeraansho, magacdheeri.
magacdheeraansho  eeg magacdheerow. ld magacdheeraan.
magacdheeri  ld magacdheeraan.
magacdheerow  Wax caan ah noqosho (qof ama meel).
magacow1  1. Qof magiciisa oo loogu yeero. 2. Qof darajo iyo madaxnimo lagu meeleeyo. 3. ld magacaabid. magacow2  1. (f.g) Nafley u yeerid. 2. (f.mg) U m. cid wax mas'uuliyaddooda u dhiibid. magacsiin  Magac u bixinta nafley magac loo baxsho.
magacuyaal  (nax.) Qayb hadalka ka mid ah oo magac baddesha waxayna kala yihiin; m. ebyoon oo ah kuwa keligooda istaaga oo qodob yeelan kara (aniga, adiga iwm), iyo kuwo aan abyoonayn ama dhammayn, qodobna qaadan karin (i, na, ku, idin).
magad  ld meged.
magaggooye  (c.nafl.) Cayayaan jiraca u eg, kase weyn oo kolkii la cariyo ur aad u qurmuun sii daaya; noole ura. ld magangooye (2).
magallooti  1. Muuqaal meel fog ka muuqda oo aan si wanaagsan u qeexnayn. 2. Dhis qaab dad leh oo inta waxyaabo shanqara loo sameeyo beeraha xeryaha xoolaha iwm la dhextaago si ay dugaagga iwm uga baqaan. 3. ld maalooti (1). Qof aan karti lahayn.
magan  1. Badbaadinta la siiyo cid tabar darran. 2. Qof tabar darran oo qof kale ku tiirsan si uu badbaado u helo.
magangal1  ld magangelid. magangal2  1 (-alay, -ashay; -geli) Cid magan u noqosho (qof). magangeli  Qof magangelyo siin.
magangelid  eeg magangal². ld magangal¹.
magangelin  eeg magangeli. ld magangelis.
magangelis  ld magangelin.
magangelyo  Qof cid ka soo cararay oo la daba joogo badbaadinta iyo xannaaneynta cidda uu u tago ay siiso.
magangooye  1. Qof magangelyada gooyo. 2. ld magaggooye.
magangooyo  Cid magan laga ballan qaaday u gooynteeda. ld magangoyn.
magangoyn  ld magangooyo.
magasho  eeg mago.
magay  (magay, m.dh) God biyuhu galaan oo ka sameysmaan dhulka caadda ah.
magdee  ld megdee.
magdeyn  ld megdeyn.
magdeys  ld megdeyn.
page : 24 of 131
<< < 19 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 > >>

 

Exit mobile version