Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jalwi
cawlnaansho ld cawlnaan.
cawlo ld cawl². (1)
cawlwareershe 1. Geednagaar leh miro kuuskuusan, caleemo yaryar iyo laamo jiljilicsan, oo nafleyda daaqda ay ku wareerto. 2. Miraha caduurka inta aanay bislaan. ld cawlawareershe.
cawo 1. (-ooyin, m.l) Habeen. 2. Nasiib wanaagsan.
cawralegdid eeg cawraleged².
cawraleged (1) Wax yar oo la siiyo ruux ishiisa laga baqayo.
cawraleged (2) Qof ishiisa laga baqayo wax yar siin.
cawratir (1) 1. ld cawritir¹. 2. Dhar yar oo cawrada deda.
cawratir (2) 1. ld cawritir². 2. Dhar cawrada lagu dedo cid siin.
cawratirid eeg cawratir². ld cawritirid.
cawratiryo ld cawritir¹.
cawrayn eeg cawree.
cawraysan 1. Wax masiibo ku dhacay ama la ileystay ahaansho. 2. Wax ceebaysan ahaansho.
cawraysnaan eeg cawraysan. ld cawraysnaansho.
cawraysnaansho ld cawraysnaan.
cawree 1. Cid ileyn. 2. Cid ceebeyn.
cawri (1) 1. Xin, kuuni. 2. Il, dhabato, illaaco, cawro.
cawri (2) Hanti cid leedahay kuunyid.
cawritir (1) 1. Wax la siiyo qof ishiisa laga baqaayo. 2. ld cawritirid. ld cawratir¹ (1), cawratiryo, cawritiryo.
cawritir (2) Wax in isha looga hortago u bixin. ld cawratir² (1).
cawritirid eeg cawritir². ld cawratirid, cawritir¹ (2).
cawritiryo ld cawritir¹.
cawro Oogada dadka inta la qarsho; foolxuumo; ceeb.
cawro (1) 1. Inkaar. 2. Il, cawri. 3. Xin, kuuni, xasdi.
cawryid eeg cawri².
caws Nooc dhirta ka mid ah, oo xooluhu daaqaan leh caleemo, laamo iyo jirrid aan xoogganeyn oo badanaa deda meesha uu ka baxo.
cawsgolgol 1.Harar aan waynayn, samayskiisuna fiicfiicnayn. 2. Kash-kash caws ah oo ardaayada lagu goglo.
cawsiyo-biyokunool 1. Lo'.
cawsley (1) 1. Dad caws qada. 2. Dhul caws keliya ka baxo.
cawsley (2) (juqr.) gobollada dunida ee degaankooda dabiiciga ahi uu ka koobanyahay caws; roobka ka da'a ma bixin karo kayn, isla markaas uu ka badanyahay midka ka da'a lamaddegaannada. Sidaas awgeed cawsleydu waxay ku dhacdaa dhulalka u dhexeeya kaymalayda iyo lamaddegaannada.
<< < 234 235 236 237 238 239 240 241 242 243 244 > >>

 

Exit mobile version