Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
kankoonsanaansho  ld kankoon-sanaan.
kanooni  Qori af weyn leh oo meel fog wax ka baabi'iya; mafdac.
kansar  (daaw.) Buro xume oo dhan ha ahaado “karjinome” ama “sarkoome” wuxu ka sameysmaa unug oo si aan caadi ahayn oo dhakhso badan u qaybsama, kasoo dabadeed dhex gala oo burburiya (xubnaha) soohayaasha ku ag dhow. Waxa dhacda in unug ka mid ah burada uu raaco dhiigga ama liinfada oo ku beermo meel kale oo jirka ka mid ah (metastasis).
kansarbeereed  (daaw.) Burobahalaad ka baxda beerka waxay ku badantahay Afrika iyo waddamada kale ee cimilada kulul waxa keeni kara fangas iyo sumo kale.
kansarka dhuuxa  (daaw.) Cudur ay sababaan unugyada dhiigga ee cad cad markay aad u bataan. Cudurkani dhiig yari ayuu keena beeryaraduna way ballaadhataan. Noocyada kala duwan ee unugyada dhiigga cadcadi markay bataan, waxay jidhka ku ridaan noocyo kala duwan oo kansarka dhuuxa ah. Cudurkani wuxuu keeni kaara dhimasho.
kansarka sambabka  (daaw.) Kansar ka baxa dhuumaha neefta (kansar dhuumeed) ama sambabka.
kansarkeene  Onkojiin.
kansho  Waqti u cuntama arrin ama hawl la qaban lahaa; fursad.
kansi  Lacag, dhagax, bir iwm oo qaali ah si gaar ahna loo ilaaliyo. ld kensi.
kantiin  Dukaan yar oo laga qaato raashinka iwm.
kar1  1. Aburka kulaylka biyaha iyo wixii la mid ah soo saaraan. 2. (-rar, m.l) Cad wax lagu karo. kar2  1. Gabal yar oo harag, xaashi adag iwm. oo wax lagu karo. 2. Madax nirgood oo la cucubay oo hal lagu maalo. kar3  1. (f.g) Wax sameyntooda awood u yeelasho. 2. (f.g) Meel dillaacsan wax ku dul tolid. 3. (f.mg) Hoore burid. 4. (f.mg) Wax muggooda kordhin. 5. (f.mg) Moos iwm bislaansho. 6. (f.mg) Middi af yeelasho. karaab  Qoryo yaryar oo xalxallefsan oo shabaagta badda la dhigo lagu xirxiro, si ay u sabbayso oo u muuqato.
karaahiyo  K. ah: wax naftu kahato.
karaamayn  eeg karaamee.
karaamaysan  Wax karaamo leh ahaansho.
karaamaysnaan  eeg karaamaysan. ld karaamaysnaansho.
karaamaysnaansho  ld karaamays-naan.
karaamee  1. Cid karaamo siin (Eebbe). 2. Cid xurmayn.
karaamo  1. (dii.) Heybad Ilaah siiyo qof cibaado badan. 2. (-ooyin, m.l) Arrin la yaab leh oo aan lagu fasiri karin xeerarka dabiiciga ah, oo Eebbe ku mannadeysto awliyadiisa.
karaan  Awood wax qabad.
karaaniyam  (c.nafl.) Qayb ka mid ah gambada madaxa ee lafdhabarleyda taas oo daboosha ilaalisana maskaxda. Waxay ka samaysantahay dhowr lafood oo balbal-laadhan oo isdhexgalay, oo ay u dhexee-yaan kalagoysyo aan dhadhaqaaqin.
karaankur  1. Badar, budo iyo jariir u kala saarid. 2. Badar qashin ka saarid. 3. ld kuraankur.
karaar1  1. Cayil; buurran. 2. Xowliga wax leeyihiin. 3. Buux; badasho. karaar2  (fiis.) Summad: a. Dhakhsaha korodhka xawaaraha iyo keynaanka. Waxaa lagu cabbiraa mitir halkii seken ee laba jibbaaran (m/s2). karaar3  1. Cayilid. 2. Badasho; buuxid. karaar-cufisjiidad  (fiis.) Summad: g. Karaarka ay la kulanto walax iskeed ugu soo dhex dhacda badada cufisjiidadka dhulka. Tijabo ahaan, karaarka cufis-jiidadku, ugu dhawaan, waa madoorsoome marka loo eego oogada dhulka, waana ka xor dabeecada iyo samayska walaxda soo dhacaysa (taas oo aan la tixgelin ca-daadiska hawada).Tani waxa ay xaqiijisaa saamigalnimada culeyska walax-da iyo cufka walaxda.
karaari  1. Wax badin. 2. Xowli kordhin.
karaarid  eeg karaar³.
page : 25 of 73
<< < 20 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 > >>

 

Exit mobile version