samaan2 eeg san². ld samaansho, sami, samo¹. samaansho eeg samow. ld samaan².
samaanyo (Waayadii hore) xoolo wiilka dhasha laga bixiyo oo la siiyo dad gaar ah (yibir, caadaqaate).
samad Suun dun ka samaysan, ballaaran oo haweenku dhexda ku xirtaan.
samaddoon Nin beel madax u ah.
samadiid Qof xumokatalis ah.
samadiidnimo Samadiid ahaansho.
samafal1 Wanaag iyo taageero cid loo sameeyo. samafal2 Qofka u shaqeeya daryeelka beenii-aadamka dartiisa, yareeya waxyeelayntiisa, dib u habeeya sharciyada ku saabsan ciqaabta. samafal3 Taageero iyo wanaag cid u samayn. samafale Qof wax wanaagsan sameeya.
samafalid eeg samafal³.
samalaha 1. Xilliga xagaaga waqti roobab badani ka da'aan Galbeed (Karan). 2. Xilli roobaad. ld samaloho.
samaloho ld samalaha.
saman Waa, jeer, goor. ld saben, semen.
samar ld sabar².
samatabbax1 Ka nabad gelidda halis iyo cabsi laga nabad galo. ld sabatabbax¹. samatabbax2 1. Wax halis ah ka nabad gelin. 2. Wax halis ah ka nabad gelid. ld sabatabbax². samatabbixi Cid halis ah ka badbaadin. ld sabatabbixi.
samatabbixid eeg samatabbax². ld sabatabbixid.
samatabbixin eeg samatabbixi. ld sabatabixin.
samawade Qof wanaagga iyo samaanta jecel oo bulshada dhexdeeda ku baahiya.
samay ld samayo.
samayn1 eeg samee. ld samays. samayn2 (kiim.) Macmalid: diyaarinta iskudhisyo kiimikaad iyaga oo laga ambaqaadayo iskudhisyo fudud. samayo 1. Usha waranka. 2. Ul dheer oo toosan. ld samay.
samays 1. Nooc dermooyin-ka ka mid ah. 2. ld samayn¹.
samaysad ld samaysasho.
samaysan1 Wax la sameeyey noqosho. samaysan2 Wax la sameeyey ahaansho.
page : 26 of 118
<< < 21 22 23 24 25 26 27 28 29 30 31 > >>