Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gembin
ciis Nooc ka mid ah warmaha waaweyn.
Ciise kaddib (taar.) (C.d.) Waxay sheegaysaa inta sano ama qarni ee laga joogo dhalashadii nebi Ciise.
Ciise kahor (taar.) (C.k.) Waxay u taagantahay Ciise hortii, taasoo sheegaysa sanad gaar ah, ama qarni, ka hore dhalashadii Ciise.
ciishaysan Wax ciishooday ahaansho.
ciishaysii Ka c.: cid ciil badid.
ciishaysiin eeg ciishaysii.
ciishaysnaan eeg ciishaysan. ld ciishaysnaansho.
ciishaysnaansho ld ciishaysnaan.
ciishoo Ciil dareemid.
ciishood eeg ciishoo.
ciji ld ciddi.
cijo ld ciddi.
cilaacil Lafaha yaryar oo raafafka xooluhu ku jira middood.
cilaaq (1) 1. ld ilaaq. Hadal aan milgo lahayn oo iska muran ah. 2. Saxaro.
cilaaq (2) 1. ld ilaaq 2. Muran maag iyo hagag leh cid u jeedin. 2. Saxaro dhigid.
cilaaqaad ld calaaqo.
cilaaqad ld calaaqo.
cilaaqid eeg cilaaq². ld ilaaqid.
cilaaqo ld calaaqo.
cilaaqtamid eeg cilaaqtan². ld cilaaqtan¹, ilaaqtamid, ilaaqtan¹.
cilaaqtan (1) Isdhaafsashada hadal muran iyo hagag leh. ld ilaaqtamid.
cilaaqtan (2) La c.: laba qof, hadal muran iyo hagag leh isdhaafsasho. ld ilaaqtan².
cilcillaw ld cilcillow.
cilcilloon Dabayl hadba dhan ka soo dhacda.
cilcillow Waqtiga u dhexeeya markay qorraxdu dhacdo iyo inta aan aasku aad u madoobaan. ld cilcillaw.
cilimo Geeso xoolaad oo dhinacyada u kala jeeda.
cilin (1) 1. Nin dhererka caadiga ah aad uga gaaban. 2. Qof qaarka dambe naafo ka ah.
cilin (2) 1. Haweeney dhererka caadiga ah aad uga gaaban. 2. C. ah: miro jirro awgeed la yaryaraaday.
cillaal (1) ld cillaalid.
cillaal (2) Arrin aan xalkeeda fogeyn.
<< < 247 248 249 250 251 252 253 254 255 256 257 > >>

 

Exit mobile version