Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gusoore
leyleysasho eeg leyleyso. ld leyleysad, leyleysi.
leyleysi ld leyleysasho.
leyleyso Godadow ciyaarid.
leylisargaal ld leylisarkaal.
leylisarkaal Qof tababbar ugu jira in uu noqdo sargaal ciidan.
leylisarkaalnimo Leylisarkaal ahaansho.
leysin Warqadda oggolaanshaha baabuur wadidda.
li'i ld la'aan.
lib 1. Adkaashaha dagaal ama wax kale oo lagu adkaado; guul. 2. Abaal.
libaadshe Barkimooyin jilicsan oo kooraha laga hoos mariyo, si uusan kooruhu faraska u qaban.
libaas (1) Celcelinta xoolo iwm lagu celiyo meel.
libaas (2) Xoolo iwm meel ku celcelin.
libaasid eeg libaas².
libaax (c.nafl.) Bahal hilib ku nool ah, weyn, xoog badan leh, midabkiisuna cawl yahay, oo kiisa lab qaarka hore ku leeyahay shaash oo dadka iyo xoolahaba cuna, kiisa labina (aarka) qaarka hore ayuu ku yeeshaa dhogor dhaadheer oo farabbadan.
libaaxbadeed (c.nafl.) Nafley badda ku nool oo kalluunka qaabkiisa leh aadna uga weyn, oo dadka iyo kalluunka yaryar cunta.
libayn eeg libee.
libays (c.nafl.) Insaym ay dhiijiyaan ganaca iyo qanjidhada mindhicirka yar ee lafdharleyda, kaas oo dedejiya burburinta duxda loo beddelayo asiidh duxeed iyo gilisarool.
libaysad ld libaysasho.
libaysasho eeg libayso. ld libaysad, libaysi.
libaysi ld libaysasho.
libayso Lib helid.
libcas 1. Xiddigga afaraad ee daalallida una dhexeysa gudha iyo mareegadheer. 2. Nooc qodaxda ka mid ah.
libdhi Ku l.: wax meel wada gelin. Tus.: “Musbaarka derbiga ku libdhi”. ld libri.
libdhid eeg libir. ld librid.
libdhin eeg libdhi. ld librin.
libdho Qorrax, cadceed.
libee Cid guul siin.
libgad (1) 1. L. ah: qof jisaar ah. 2. ld libgadid.
libgad (2) Ka l.: qof ku jisaarid.
libgadid eeg libgad². ld libgad¹ (2).
<< < 23 24 25 26 27 28 29 30 31 32 33 > >>

 

Exit mobile version