Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: tafantoof
daanduun (1) ld daadduun¹.
daanduun (2) ld daadduun².
daanduunshe ld daadduunshe.
daanduunsii ld daadduumi.
daanduunsiin ld daadduumin.
daangee Badar daango ka dhigid.
daangeyn eeg daangee.
daangeysad ld daangeysasho.
daangeysasho eeg daangeyso. ld daangeysad.
daangeysi ld daangeysasho.
daangeyso Badar daango ka dhigasho.
daango Galley ama messeggo la saloolay.
daanguur Shimbir yar, bay ah, koox-koox u socota oo qodata gocosada iyo abuurka duugan.
daani (1) 1. (m.u) Cayayaan aad u yaryar, badarka gala oo bolol ka dhiga; suus. 2. D. ah: beydari aad toogta u yaqaan.
daani (2) Nin aan la gafin toogta wax uu nishaabo.
daanka hoose (daaman ..., m.l) (c.nafl.) Daanka hoose ee lafdhabarleyda.
daanshoo Xasillooni xarrago ku jirto u socosho.
daanshood eeg daanshoo.
daanyeer ld daayeer.
daanyeerad ld daayeerad.
daaq (1) 1. Caws, caleen iwm oo ay xooluhu cunaan; baad. 2. ld daaqid.
daaq (2) Caws, caleen iwm cunid (xoolo).
daaqad 1. Dariishad; khalfad. 2. ld daaqo. Duub maro ah, cusub oo dhowr go'loo qaybin karo.
daaqbarad D. ah: dhal xoolaad oo markaa billaabay cunidda caws, caleen iwm.
daaqbarasho eeg daaqbaro.
daaqbaro Cunidda caws, caleen iwm billaabmid (dhal xoolaad).
daaqcune (c.nafl.) Xayawaanka cuna daaqa gaar ahaan naasley kasta oo dhirta cunta, sida qoobleyda lo'da, dameeraha iwm. Daaqcunayaasha waxa astaan u ah ilka qabatimay ridqidda caleemaha. ld daaqe.
daaqe ld daaqcune.
daaqgee Xoolo daajin.
daaqgeyn eeg daaqgee.
<< < 280 281 282 283 284 285 286 287 288 289 290 > >>

 

Exit mobile version