Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dhaydhayo
dabaaxid ld daabaxid.
dabaaxsii Dabaaxid samayn.
dabaaxsiin eeg dabaaxsii.
dababbax (1) Shuban badan, jilicsan, oo caloosha dadka iyo xoolaha ka yimaada.
dababbax (2) Caloosha dadka iyo xoolaha hayn (shuban).
dababbixid eeg dababbax².
dabac (1) ld debcid.
dabac (2) ld debec².
dabacadde 1. ld dabcaddeeye. Bahal yar, xoorta le'eg, leh daba dheer oo foodda ka cad oo digaagga laaya. 2. Bahal safanta badda la jaad ah, kase weyn; ganacsi buu galaa oo waa la dhoofiyaa.
dabacaddeeye ld dabacadde (1).
dabacase Geed nagaar khudaarta la cuno ka mid ah, oo caleen ballaaran iyo buruq dhuuban oo dhulka ku xabaalan leh; karooto.
dabacla'aan ld debecla'aan.
dabacsamid ld debecsamid.
dabacsan (1) ld debecsan¹.
dabacsan (2) ld debecsan².
dabacsanaan ld debecsanaan.
dabacsanaansho ld debecsanaan.
dabacsanow ld debecsanow.
dabaculus Hal marka ay rinto si dhaqso ah aan u goojin.
dabaddookhaan Jaad bariiska ka mid ah oo yaryar oo dhuudhuuban oo aad u wanaagsan.
dabadeed ld dabo¹.
dabadhac Ka d.: wax si aad u jeclaysasho.
dabadhah In yar oo wax la beegay lagu khordiyo; suubis.
dabadheer Muddo dheer wax socday ahaansho (xaajo, roob, abaar,dagaal iwm).
dabadheeraan eeg dabadheer. ld dabadheeraansho.
dabadheeraansho eeg dabadheerow. ld dabadheeraan.
dabadheerow Muddo dheer wax socday noqosho (xaajo, roob, abaar, dagaal iwm).
dabadheh Ka d.: wax qof yiri ku celin.
dabadhicid eeg dabadhac.
dabadhihid eeg dabadheh.
<< < 285 286 287 288 289 290 291 292 293 294 295 > >>

 

Exit mobile version