Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
dabbaaljooglee ld dabaaljooglee.
dabbaaljoogleyn ld dabaaljoogleyn.
dabbaaljoogtee ld dabaaljooglee.
dabbaaljoogteyn ld dabaaljoogleyn.
dabbaaljoogto ld dabaaljoog.
dabbaalnimo Dabbaal ahaansho.
dabbaalo ld dabaalo.
dabbaalsii ld dabaali.
dabbaalsiin ld dabaalin.
dabbaalsiis ld dabaalin.
dabbaan (1) 1. Webi, durdur iwm meesha ugu biyo yar ee lugta looga gudbi karo. 2. ld dabbaanid.
dabbaan (2) Fallaar aan dheg lahayn oo sida waranka u dhuuban; lama saaro mariid, waxaa loogu talaggalay in ay wax naafayso.
dabbaan (3) Webi, durdur iwm lug uga gudbid meesha ugu biyo yar.
dabbaanid eeg dabbaan³. ld dabbaan¹ (2).
dabbaq ld dabaq².
dabbaqid ld dabqid.
dabbar 1. Caro xad-dhaaf ah oo qofka is hanashada ka lumisa. 2. Dhagar, khayaano.
dabbaraale 1. Qof caro badan oo markuu xanaaqo aan is hanan karin. 2. Qof dhagar badan.
dabbi Arrin murugsan daawo u helid.
dabbin eeg dabbi. ld dabbis.
dabbis ld dabbin.
dabbisan Wax daawo loo helay ahaansho.
dabbisasho eeg dabbiso.
dabbisnaan eeg dabbisan. ld dabbis- naansho.
dabbisnaansho ld dabbisnaan.
dabbiso Arrin murugsan daawaysasho.
dabboojiye 1. Bisha lixaad ee sannad qorraxeedka. 2. D.-jayaal: laba xiddigood oo waaweyn oo cirka dhiniciisa koonfur ku yaal.
dabcad Caddad; wax la daabacay.
dabcan Sida caadiga ah.
dabci (1) Hab la dhaqanka dad ee qof leeyahay; baxaalli, abuur. ld dabeec (1), dabeecad (1), dabeeco, dabiicad.
<< < 291 292 293 294 295 296 297 298 299 300 301 > >>

 

Exit mobile version