Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gur
dabci (2) ld debci².
dabcid ld debcid.
dabcin ld debcin.
dabdamis Ciidan qaabbilsan la dagaalanka dabka. ld debdemis.
dabdheer 1. Dabka lagu dagaallamo oo loogu talaggalay in uu meel fog wax ka dilo, wadajirkiisa. 2. Colka dabkaas sita. 3. Bundug dheer.
dabdhul (daaw.) Cudur maqaarka ku dhaca oo u yeela baro yaryar oo biyo leh.
dabduug Xilli roob shuux ahi ka da'o xeebaha gobollada koonfureed, taasoo ku beegan dhammaadka dabshidka.
dabeeb Hadal dood ah. ld dabuub (1).
dabeebad ld dabeebasho.
dabeebasho eeg dabeebo. ld dabeebad.
dabeebo U d.: Cid, hadal u jeedin.
dabeec 1. ld dabci¹. 2. Xiriir ka dhexeeya laba qof ama ka badan oo saaxiib ah.
dabeecad 1. ld dabci (1). 2. Noolaha iyo ma noolaha Eebbe ku abuuray dunida guudkeeda oo dhan.
dabeecadxumaan eeg dabeecadxun. ld dabeecadxumaansho, dabeecadxumi, dabeecadxumo.
dabeecadxumaansho ld dabeecad- xumaan.
dabeecadxumi ld dabeecadxumaan.
dabeecadxumo ld dabeecadxumaan.
dabeecadxun Qof hab la dhaqan wanaagsan aan lahayn ahaansho.
dabeeco ld dabci¹.
dabeer (1) ld dameer¹.
dabeer (2) ld dameer².
dabeyl (daaw.) Cudur dadku isu gudbiyo oo uu keeno fiirus kuna dhaca maskaxda iyo xangullaha. Fiirusku wuxu raaca saxarada qof fiiruska qaba, sidaas darteed cudurku wuxuu ku badanyahay meesha nadaafaddu ay ku yartahay, nooca dhicisooba ee cudurkaas waxa keliya oo jirrada cunaha iyo xiidmaha astaamuhuna waxay noqonayaan oo keliya caloosha oo qasanta ama durey sidiis; cudurka dabeysha oo aan curyaannimada gaarin wuxu leeyahay muruqyada oo adkaada gaar ahaan kuwa surka iyo dhabarka cudurka dabeysha oo curyaannimada wata waa ka tiro yaryahay midka aan sare ku soo sheegnay, noociisa sahlanna waxa la socda itaaldarro muruqyada ama curyaannimo. Cudurka dabeysha ee ku dhaca maskaxda waxa curyaama muruqyada neefsashada taas oo keeni karta dhiibaato neefsasho. ld dabayl¹ (5).
dabeyl-kulul (juqr.) Dabayl diiran oo qallalan oo ka dhacda dhinaca buurta ee duggaalka ah, waxaana aad loogu yaqaan waadiga buurta Albasta woqooyi, halkaas oo uu magacu ka soo askunmay.
dabgaab 1. Hub meel gaaban wax ka dila. 2. Ciidan haysta hubka noocaas ah.
dabid eeg dab². ld dabniin.
dabiib (1) 1. (-bbo,m.dh) Qof yaqaan sida wax loo daaweeyo; dakhtar. 2. Dacarfal. 3. ld dabiibid.
dabiib (2) Cid daaweyn.
dabiibid eeg dabiib². ld dabiib¹ (3).
dabiicad ld dabci¹.
dabiici 1. D. ah: abuurista Eebbe wax ka soo jeeda. 2. D. ah: caadi.
<< < 292 293 294 295 296 297 298 299 300 301 302 > >>

 

Exit mobile version