Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
kastan  Xafiis lagu canshuuro badeecadaha dibadda loo dhoofiyo iyo kuwa laga keensanayaba.
kasxumaan  eeg kasxun. ld kas-xumaansho, xaskumi.
kasxumaansho  ld kasxumaan.
kasxumi  ld kasxumaan.
kasxumo  1. Garaad yarida qof leeyahay. 2. Fudfudeyd iyo degganaan la'aan qof leeyahay.
kasxun  Wax garaad yar ahaansho.
kataan  Shax laba jare leh; irmaan.
kati  Bir af dhuuban oo waranka gadaal laga gesho. ld taki.
katib  ld kaddib³.
katiifad  ld kaddiifad.
katiinad  Silsilad.
katoolig  (dii.) Madaahibta diinta masiixiga mid ka mid ah.
kaw  Erey ulajeeddadiisa laga garto wax go'ay (xarig go'ay; naf baxday); kaf.
kawaamid  eeg kawaan². ld ka-waanid.
kawaan1  1. Meel ama dukaan hilibka lagu iibiyo ama lagu gado. 2. Meesha xoolaha lagu qalo. kawaan2  Neef si hilibkiisa loo cuno qalid. kawaanasho  eeg kawaano.
kawaanid  ld kawaamid.
kawaanle  Qof mehe-raddiisu tahay inuu hilibka ka ganacsado.
kawaanley  Wadar kawaanle.
kawaano  Neef xoola ah ganacsi ahaan qalasho.
kawaawe  Qalabka beeraha nooc ka mid ah oo ka kooban bir af ballaaran iyo daab qori ah.
kawaawee  Beer kawaawe ku simid.
kawaaweyn  eeg kawaawee. ld kawaaweys.
kawaaweys  ld kawaaweyn.
kawaaweysan  Wax kawaawe lagu simay ahaansho (beer).
kawaaweysanaan  eeg kawaaweysan. ld kawaaweysnansho.
kawaaweysnaansho  ld kawaaweys-naan.
kawaweer1  ld kabawaarid. kawaweer2  ld kaba-waar².
page : 32 of 73
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>

 

Exit mobile version