roob-deyreed (c.cimi.) Mid ka mid ah labada roob ee ugu badan roobabaka ka da'a Bariga Afrika, sannadkii, laga billaabo Oktoobar ilaa Disembar.
roob-gu'eed (c.cimi.) Mid ka mid ah labada roob ugu waaweyn midkood oo sannadkii laga helo Afrikada Bari, kaas oo da'a inta u dhexeysa bilaha Febraayo iyo May.
roobabbow Wakhti roob da'ayo.
roobban Dhul wax roob helay ahaansho.
roobbanaan eeg roobban. ld roobbanaansho.
roobbanaansho ld roobbanaan.
roobbeeg Qalab lagu cabbiro heerka roob da'ay.
roobdhaxaad R. ah: hal riman oo sidkeedii kala bar marayo.
roobdoon1 Baryo banbax leh oo Alle roob lagu weyddiisto. roobdoon2 Alle roob weyddiisasho. roobdoonid eeg roobdoon².
roobgaras Roob xilliga diraacda ah da'a.
roobi 1. Roobdoon akhriyid. 2. Roob saadaalin.
roobin eeg roobi.
roobladhac Cayayaan jurmi yar oo midab guduudan leh oo kudkudaha u eg oo la arko marka roob da'o kaddib.
roobraac1 U guuridda loo guuro meel roob ka da'ay. roobraac2 Nafley meel roob ka da'ay aadid. roobraacid eeg roobraac².
roobsad ld roobsasho.
roobsasho eeg roobso. ld roobsad.
roobso Roob helid.
roobsugow Furuuruc yaryar oo oogada dadka ka soo yaaca waqtiga kulaylaha ah; xaraarad.
roogsasho eeg roogso. ld roogsi, rorogsasho, rorogsi.
roogsi ld roogsasho.
roogso 1. Qof fadhiyey istaagid. 2. Qof socda joogsasho. ld rorogso.
rookayn eeg rookee.
rookee Wax rooko ka dhigid.
rooko Joojinta la joojiyo wax isticmaal-kooda.
roomad Ul dheer, dhumuc weyn oo guryaha miyiga iyo carshaanta lagu dhiso.
roon Cid aan dhibaato qabin ahaansho.
page : 32 of 40
<< < 27 28 29 30 31 32 33 34 35 36 37 > >>