Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: maneysi
damaan Fallaar weyn waranka u eg oo aan dhega lahayn. ld dabaan.
damaashaad (1) Ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh oo lagu muujiyo maalin taariikh weyn leh.
damaashaad (2) Maalin taariikh weyn leh ciyaaro iyo waxyaallo kale oo farax leh ku muujin.
damaashaadid eeg damaashaad².
damac (1) 1. Hunguri weynaan dheeraad ah oo wax loo yeesho. 2. Rabitaan. 3. ld damcid.
damac (2) 1. Hunguri weynaan dheeraad ah wax u yeelasho (cid). 2. Wax rabid (cid). Tus. “Waxaan damcay in aan Diinsoor aado.”
damacsan Wax, wax gaar ah damac u hayo ahaansho.
damacsanaan eeg damacsan. ld damacsanaansho.
damacsanaansho ld damacsanaan.
damal 1. Qurac weyn oo har badan. 2. Qori weyn qallalan oo la shito; dhamal. 3. Caws dumaa ah.
damaq ld danaq.
dambaab (1) ld dembaab¹.
dambaab (2) ld dembaab².
dambaabas (1) Sheelidda wax xogtooda la ogyahay la qariyo.
dambaabas (2) Wax xogtooda la ogyahay qarin.
dambaabasad ld dambaabasasho.
dambaabasasho eeg dambaabaso. ld dambaabasad.
dambaabasid eeg dambaabas².
dambaabaso Wax xogtooda la ogyahay qarsasho.
dambaabburo Dhimbilo.
dambaabi ld dembaabi.
dambaabid ld dembaabid.
dambaabin ld dembaabin.
dambaabis ld dembaabin.
dambaabsii ld dembaabsii.
dambaabsiin ld dembaabin.
dambaaburo Dhimbilo yaryar oo dabka ka duulduula.
dambaaji ld dembaaji.
dambaajin ld dembaajin.
dambacaad Calool u jiifid (qof).
<< < 312 313 314 315 316 317 318 319 320 321 322 > >>

 

Exit mobile version