Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: gawaani
dalaafsanaan eeg dalaafsan. ld dalaafsanaansho.
dalaafsanaansho ld dalaafsanaan.
dalaandal (1) (daaw.) Sarsaridda meel oogada ka mid ah oo dhiig ku guntamay la sarsaro iyadoo dhiigga toobin looga soo nuugayo.
dalaandal (2) (daaw.) Meel oogada ka mid ah oo dhiig ku guntamay, si toobin dhiigga looga soo nuugo sarsarid.
dalaandalan Qof la dalaandalay ahaansho.
dalaandalid eeg dalaandal².
dalaandalnaan eeg dalaandalan. ld dalaandalnaansho.
dalaandalnaansho ld dalaandalnaan.
dalaaq (1) ld dalaaqid.
dalaaq (2) Erey lagu dhawaaqo marka qof dumar ah la furaayo. ld dalaaqo, dalqad.
dalaaq (3) Naag dalqaddeeda siin.
dalaaqid eeg dalaaq³. ld dalaaq¹.
dalaaqo ld dalaaq².
dalaaw (1) Darxumo awgeed oo qof dalkiisa uga haajiro. ld dalaw¹ (2).
dalaaw (2) Qof, darxumo awgeed dalkiisa uga haajirid. ld dalaw².
dalab (1) Codsi ballanqaad leh oo cid wax lagu weyddiisto.
dalab (2) Qallooc yar oo lugaha gala oo labada law isu soo dhawaadaan.
dalab (3) Codsi ballanqaad leh oo wax lagu weyddiisanayo sameyn.
dalable Qof hal lug dalab ku leh.
dalag Miraha la beerto ee la cuno.
dalag geddis Habka beerashada oo ku salaysan in dalagyo kala duwan lagu beero dhul isku mid ah, si gaar ah oo isku xigta.
dalaggeddi Beer, dalaggii hore ee ku beernaa mid ka duwan ku beerid.
dalaggeddin eeg dalaggeddi. ld dalaggeddis.
dalaggeddis ld dalaggeddin.
dalagle Nin beerrey ah.
dalalaco D. ah: rati aan lugaha xarig uga xirnayn.
dalalka horumaray Waddamadda horumarka ka sameeya dhinacyada warshadaha, beeraha, farsamada iyo teknooljiyada, waxbarashada, dhaqaalaha, iyo heerka nolosha qofka, iyo bulshada.
dalalka soo koraya Waddamadda aan weli horumar ka samayn dhinacyada warshadaha, beeraha, farsamada, teknooljiyada, waxbarashada, dhaqaalaha heerka nolosha qofka iyo bulshada.
dalambaabbi (1) 1. D. ah: socod qofku hadba dhan u ciirayo tabar darro awgeed. 2. ld dalambaabbiyid.
dalambaabbi (2) Tabardarro awgeed, socod hadba dhan loo ciirciirayo socosho (qof).
<< < 29 30 31 32 33 34 35 36 37 38 39 > >>

 

Exit mobile version