Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: sibirayn
daro (1) 1. Tab awrtu u dagaasho oo ratigu luquntiisa dulmariyo luqunta ratiga kale isla markaana cududda ku dhegaayo. 2. Tab legdinta ka mid ah oo uu qof gacanta kaga maro qoorta qof kale.
daro (2) 1. Ku d.: wax, wax kale ku kordhisasho. 2. Ku d.: qof, qof kale u guurin. 3. Isku d.: dhawr waxyaalood isku qaadasho. 4. Isku d.: isku qasasho.
daroof (1) Darmooyin casaan ah oo guryaha derbiyadooda lagu qurxiyo.
daroof (2) Derbiyada guryaha casaan ku qurxin.
daroofid eeg daroof².
daroori (1) Hadal tira badan oo aan micna lahayn. ld darooryaan¹.
daroori (2) Ku hadlid hadal aan micno lahayn. ld darooryaan².
darooryaamid ld darooryid.
darooryaan (1) ld daroori¹.
darooryaan (2) ld daroori².
darooryid eeg daroori². ld darooryaamid.
darraabid eeg darrow². ld darraw¹, darrow¹.
darraad ld dorraad.
darraw (1) ld darraabid.
darraw (2) ld darrow (2).
darraysad ld darraysasho.
darraysasho eeg darrayso. ld darraysad, darraysi, tarraysad, tarraysasho, tarra.
darraysi ld darraysasho.
darrayso Timaha darro marsasho. ld tarrayso.
darrib Cid tababbarid.
darribid eeg darrib.
darro Dhoobo jilicsan oo timaha lagu nadiifiyo ama lagu qurxiyo; malaas; xaraar. ld tarro.
darroor (1) Biyo aqalku kor ka soo daayo kolka roobku da'aayo.
darroor (2) Aqal, biyo kor ka soo deyn.
darroori Biyo meel sare fadhiya ka daadin.
darroorid eeg darroor².
darroorin eeg darroori.
darrow (1) Liididda wax la liido ama la xaqiro; quursi. ld darraabid.
darrow (2) 1. Wax quursasho. 2. U d.: wax dhaqaale darrayn. ld darraw².
darsad ld tarsad.
<< < 328 329 330 331 332 333 334 335 336 337 338 > >>

 

Exit mobile version