darro
(m.dh)

Dhoobo jilicsan oo timaha lagu nadiifiyo ama lagu qurxiyo; malaas; xaraar. ld tarro.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh darro

caabuq [m.l]
1. Hurgumidda meel dhaawac ah; fasas. 2. C. ah: nafley xoog lahayd oo jirro, nafaqo darro awgeed la tabar darreysay. ld caabaq¹. caabaq, fasas

caabuq [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-qay, -qday)
1. Meel dhaawac ah hurgumid. 2. Nafley tabar darreyn jirro, nafaqo darro iwm awgeed.

qaabdarro [m.dh]
Qaab xumaanta ay wax leeyihiin; qaabxun. ld qaabdarri. qaabdarri, qaabxun

caafimaaddarro [m.dh]
Xaaladda nafley jirran ku sugan tahay.

edebdarro [m.dh]
1. ld edebdarri. Anshax iyo asluub xun. 2. ld edebdarnaan. edebdarnaan

edebdarroo [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-ooday, -ootay)
Ka e.: anshax xun ku kicid.

edebdarrood [Magac Fal Lab | Noun Verb Masculine]
eeg edebdarroo. edebdarroo

nabar-kul [m.l] (-ro-kulul, m.dh)
(daaw.) Awood darro iyo joog ka dhicid ay keeneen hoos udhac cadaadiska dhiigga iyo tirada dhiiggaba. Waxaana u sabab ah biyo badan iyo cusbooyin oo jirka ka baxa kul aad u badan oo dheeraada ama aan loo baran awgiis.

tafajiid [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-day, -dday)
Socod diidmo, gaabin iyo tabar darro ku jirto socosho.

yicis [m.dh]
1. Carruur yaryar oo tabar daran nafaqo darro awgeed. 2. Carruur yaryar oo hooyadood dhimatay.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg