darsamid ld darmid.
darsan (1) ld darsin.
darsan (2) ld daran².
darsan (3) ld daran³.
darsanaan ld daranaan.
darsanaansho ld darnaan.
darsasho eeg darso. ld darsad, darsi.
darshad ld tarshad.
darsi ld darsasho.
darsin Laba iyo toban (12) shey, isku nooc ah oo meel ku wada jira. ld darsan¹, dersin.
darso 1. (f.g) Badar, caano, sonkor iwm wax godan in uga qaadasho. 2. (f.mg) Xaalad lagu sugnaa ka sii liidasho. 3. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku biirsasho. Tus. “Cali geeliisii laba halaad buu ku darsaday”. 4. Ku d.: wiil gabadh u guurin. 5. U d.: xaalad hore ee lagu noolaa ka maarmiwaayid.
daruur (1) 1. Tolmo kabaha, lammooyinka iwm sarjiyada looga tolo si loo qurxiyo. 2. Midab barobaro cadcad ah oo xoolaha qaarkood yeeshaan.
daruur (2) Caad biyo xambaarsan oo cirka iyo dhulka dhexdooda heehaaba.
daruur (3) (fiis.) Dhibco yaryar oo biyo ah oo ka samaysmay uumi-bax biyood oo galay gibilka, ka dibna ku qaboobay meel joog sare leh oo dhulka dushiisa. Uumi-baxa biyuhu wuxuu ka yimaadaa, harooyinka, webiyada iwm.
daruur (4) Kabo, laammo iwm sarjiyadooda tolmo lagu qurxinayo u yeelid.
daruur-buureed (c.cimi.) Daruur ka samaysanta dhinaca dugaalka ah ee buurta ama figta gunburta.
daruur-hoose (c.cimi) Nooc daruur hoose ah oo ka kooban lakab iskumid ah, oo la moodo dhado dhulka kor uga kacday.
daruurad ld daruurasho.
daruuran Wax daruur leh ahaansho.
daruurasho eeg daruuro². ld daruurad.
daruurayn eeg daruuree.
daruuraysasho eeg daruurayso.
daruurayso 1. Cir, daruur yeelasho. 2. Meel naq leh u guurid. 3. Kabo, laammo iwm daruur u yeelasho.
daruuree Neef daruuro gelin.
daruuri (1) D. ah: wax nolosha aanay ka maarmin.
daruuri (2) 1. Isu d.: arrin ama meel si geesinnimo iyo degdeg leh u gelid. 2. U d.: wadaan, weel iwm ceel si degdeg ah ugu ridid.
daruurid eeg daruur4.
daruurin eeg daruuri².
daruurnaan eeg daruuran. ld daruur---naansho.
daruurnaansho ld daruurnaan.
<< < 329 330 331 332 333 334 335 336 337 338 339 > >>