darso
(Fal Gudbe/Magudbe3 | Verb Transitive/Intransitive3) (-saday, -satay)

1. (f.g) Badar, caano, sonkor iwm wax godan in uga qaadasho. 2. (f.mg) Xaalad lagu sugnaa ka sii liidasho. 3. (f.mg) Ku d.: wax, wax kale ku biirsasho. Tus. “Cali geeliisii laba halaad buu ku darsaday”. 4. Ku d.: wiil gabadh u guurin. 5. U d.: xaalad hore ee lagu noolaa ka maarmiwaayid.

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh darso

afwebi [m.l] (-afwebi, m.l)
(juqr.) Halka webiga iyo baddu iska galaan, halkaas oo saamaynta mawjaddu ay ka muuqato, isla markaasna ah halka biyaha webiga ee macaan iyo biyaha baddu iskaga darsoomaan.

darsasho [m.f.dh]
eeg darso. ld darsad, darsi.

ekogaraafi [m.l] (-iyo, m.dh)
(daaw.) Farsamada adeegsata mawjadaha ultarasawndiga ah si loo darso qaabka gudaha ee jirka.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg