Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: raadgan
dabacsanaan  ld debecsanaan.
dabacsanaansho  ld debecsanaan.
dabacsanow  ld debecsanow.
dabaculus  Hal marka ay rinto si dhaqso ah aan u goojin.
dabaddookhaan  Jaad bariiska ka mid ah oo yaryar oo dhuudhuuban oo aad u wanaagsan.
dabadeed  ld dabo¹.
dabadhac  Ka d.: wax si aad u jeclaysasho.
dabadhah  In yar oo wax la beegay lagu khordiyo; suubis.
dabadheer  Muddo dheer wax socday ahaansho (xaajo, roob, abaar,dagaal iwm).
dabadheeraan  eeg dabadheer. ld dabadheeraansho.
dabadheeraansho  eeg dabadheerow. ld dabadheeraan.
dabadheerow  Muddo dheer wax socday noqosho (xaajo, roob, abaar, dagaal iwm).
dabadheh  Ka d.: wax qof yiri ku celin.
dabadhicid  eeg dabadhac.
dabadhihid  eeg dabadheh.
dabadhiig  Calool xanuun halis ah, casiraad leh, shuban yar oo dhiig iyo axalo isugu jira oo dadka iyo xoolaha ku dhaca.
dabadhilif1  Cid, cid kale si midiidinnimo ah danaheeda ugu fulisa. dabadhilif2  Barida idaha lafta yar ee dhuuban ee ay ku dhammaato. dabadhilifnimo  Dabadhilif ahaansho.
dabaduugato  Cayayaan yaryar oo midab cad leh oo dhulka cammuudda ah inta dabada ku qota dhex gala.
dabafadal  Ciyaar jiib iyo jaan leh, ragga iyo haweenka wada ciyaaraan oo laga dheelo degmada Eyl.
dabafur1  1. (-rro, m.dh) ld dabakafur. 2. Khiyaamo; dhagar. 3. ld dabafurid. dabafur2  Xog qof u qarsoon kashifid. dabafurid  ld dabafur¹ (3).
dabagaab  1. Buntukh gaaban oo meel dhow wax ka dila. 2. Ciidan wata buntukha noocaas ahi.
dabaggaalle  Nafley yar, dhir, xagatada ka mid ah oo leh midab guduud xigeen ah; seyn dheer oo dhogor badan leh oo sida badan labada lugood ee dambe isku taaga; tukulush; uunrays.
dabaggal1  1. Baaris qoto dheer oo lagu sameeyo wax qarsoon oo la doonayo in la hubsado. 2. ld dabaggelid. Cidaan qaabilsan baaridda arrin la tuhunsanyahay in ay dhacday ama dhici doonta. 3. Ciidanka nabadsugidda qayb ka mid ah oo qabilsan la socoshada arrimaha dibloomaaysiyiinta. dabaggal2  1. Cid, cid kaloo ka horreeysa gadashooda istaagid ama socosho. 2. Wax qarsoon, baaritaan qotodheer leh ku samayn. dabaggee  Ka d.: wax, wax kale oo ka tegay gaarsiin.
dabaggeli  Wax, wax kale gadaal kaga xariirin.
page : 14 of 218
<< < 9 10 11 12 13 14 15 16 17 18 19 > >>

 

Exit mobile version