Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: fullaacsan
wiiqnaan  eeg wiiqan². ld wiiqnaansho.
wiiqnaansho  ld wiiqnaan.
wiir  Ciyaarta godootan, xabbad keliya oo god keligeed la dhigay.
wiirawiire  1. (c.fal.) Harkii kolka qorraxdu dhinacna diiddo. 2. Dhibaato kasta oo kulul.
wiirawiiro  1. Nooc shimbirada ka mid ah. 2. Nooc ciyaaraha ka mid ah; wiiro. 3. ld wiirawiire.
wiiro  1. Xumaan uurka la isugu hayo; utun. 2. Cayaar beeralaydu tumato oo ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka.
wiirsasho  eeg wiirso.
wiirso  Ku w.: cid ku jeesjeesid; ku digasho.
wiish  1. Makiinad waxyaalaha culculus lagu qaado, waxay leedahay sal nagi iyo gacan dheer oo wareega oo afkiisa hore xarig ama silsilad gan qaroofan leh oo wax la suro. 2. Qalab laga sii daayo yeer oo digniin bixiya. 3. Aalad gu-ryaha dabaqyada dhaadheer leh lagu fuulo lagagana soo dego.
wiisito  Baaritaan caafimaad.
wiiwii  Erey tilmaama cabaad, jibaad.
wil  1. Dharka dumarku xirtaan nooc ka mid ah oo khafiif ah. 2. Halka ay iska galaan misigta iyo bawdada. 3. Isha birteeda.
wilgee  ld wiglee.
wilgeyn  ld wigleyn.
wilgo  ld wiglo.
wiliqdhabayn  eeg wiliqdhabee. ld wiliqdhabays.
wiliqdhabays  ld wiliqdhabayn.
wiliqdhabee  Awr dad cun ah carin.
wiliqdhabo  Carinta la cariyo awr dad cun ah.
willad  ld willasho.
willasho  eeg willo. ld willad.
wille  Dhagaxa kore ee maxdinka; weled.
willo  1. Wax dhaqaaq degdeg ah samayn. 2. Nafley didid.
winiin  1. Safan yar. 2. (-nno, m.dh) Fu-ruuruc dhalada madaxa ka soo baxa.
winiini-elektaroon  (kiim.) Tirada kuwaan-tam ee winiiniga oo lagu asteeyo m ; kana tarjumaysa winiiniga elektaroon kasta, waxa-na la siiyaa qiimeyaasha +1/2 ama -1/2.
wiqiyad  Miisaan dhan 28,35 garaam ama rodol lix iyo toban meelood loo qaybiyey hal meel (1/16 rodol). ld wiiqiyad, wuqiyad.
wir  Car! Ma ku dhacda.
wirayn  eeg wiree.
wiree  Cid wir ama car ku dhihid.
wiriiri  1. Jiraca qaarkii; xasharaad dadka qaniina; dhuxunkureeb. 2. Qof w. ah: qof caaro fudud ah.
page : 38 of 40
<< < 33 34 35 36 37 38 39 40 >

 

Exit mobile version