wir
(Erey Dareen | Exclamation)Car! Ma ku dhacda.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh wir ↴
saawir [m.l] (-ro, m.l)
Wax kasta oo la sharaysto.
saawir [m.dh] (-ro, m.l)
S. ah: mindi ama bir kale oo aan wax goyn oo af-beeshay.
yuuriya [m.dh]
(kiim.) Adke cad oo wiriqaysan oo ku milma biyaha CO(NH2), yuuriya waa maxsuulka naytaroojiineed ee ugu dambeeya qashinsaarka naasleyda.
basalt [m.dh]
(jool.) Dhadhaabo midabkeedu madow yahay, wiriqaheeduna yaryaryihiin, ka abuurma ciid raran ah oo ka soo gufaacda burkaanta oo qabowday ee adkaatay.
biriq [m.dh]
Gantaal danab ah, xoog badan, wuxuu ku dhaco dila oo ka dhasha isku dhac daruuro marka roob da'ayo. ld wiriq.
car [m.l]
1. Qadiidka ku hara weel la culay. 2. Dhadhanka ay yeeshaan caano, biyo iwm oo lagu shubay weel la culay. 3. Cudur candhada geela ku dhaca oo dildilaaciya. 4. (e.d) C.!: haddaad ku dhacdid!; Wir.
cawir [m.l]
ld cawar¹.
cawir [Fal Gudbe1 | Verb Transitive1] (-ray, -rtay)
ld cawar².
cawiraad [m.dh]
ld cawarid.
cawiran [Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1] (-rmay, -rantay; -rmi)
ld cawaran¹.
w [m.dh]
(wa') Xarafka kow iyo labaatanaad ee
alifbada af soomaaliga waana shibbane.).