wiriiryaan Wax farabadan oo meel wada jooga oo intaas is dabammaraya.
wiriq 1. Halaq aan wax qaniinin. 2. ld biriq¹.
wiriqlaawe (kiim.) Walax adke ah oo aaney atamyeedeedu lahayn ha-bayn qumman. Taas macnaheedu waa ma aha wiriq.
wiriqle-aayooneed (kiim.) Wiriqle ka kooban ayoonada laba curiye ama in kabadan.
wiris Shimbir la shaqaysa herinta; maras.
wirwir (1) 1. Dhalanteed. 2. Socodka la socdo wakhtiga qorraxdu aad u kulushahay. 3. ld wirwirid.
wirwir (2) Wakhti qorraxdu aad u kulushahay socosho.
wirwirid eeg wirwir². ld wirwir¹.
wisaayad ld wasaayad.
wishaar (1) Doon ama markab cusub oo kolkaas dibedda iyo badda loo saaray.
wishaar (2) Wax duugoobay sidii uu hore u ahaa ka dhigid (guri, doon, iwm).
wishaarid eeg wishaar².
wiswis (1) 1. Qof oo dooq adag leh. 2. ld waswaas¹.
wiswis (2) 1. Dooq adag lahaansho.². ld waswaas².
wiswisi 1. Cid wax kasta oo ay samayn lahayd ka shakisiin. 2. ld was-waasi.
wiswisid eeg wiswis². ld waswaasid.
wiswisin eeg wiswisi. ld waswaasin.
witir ld watar.
wiyeer 1. Biyo culus oo dhanaan yari ku jiro. 2. Biyo aan xareed ahayn. 3. ld wayeer.
wiyil (1) Nafley aad u weyn oo labo gees wejiga ku leh, waxaa ku gaashaa-man harag aad u qiro weyn una adag.
wiyil (2) Nafley aad u weyn oo labo gees wejiga ku leh, waxaa ku gaashaa-man harag aad u qiro weyn una adag.
woob Midab hurdi ah.
wood (1) Cod doorasho.
wood (2) Cod cid lago dooranayo bixin. ld wootee.
woodid eeg wood². ld wooteyn.
wootee ld wood².
wooteyn ld woodid.
woqooyi Jihada koofur u tusmaysan ama ka soo hor jeedda. ld waqooyi.
wow Magac carbeed oo tilmaama xarafka “w”.
wuqiyad ld wiqiyad.
<< < 34 35 36 37 38 39 40 > >>