l Xarafka laba iyo tobnaad ee xuruufta soomaaliga, ahna shibbane.
la (1) Magacuyaal tilmaamaya in faluhu uu yahay qof aan la aqoon ama aan la caddaynin. Tus. “Waa la yiri”.
la (2) Qurub lagu isticmaalo falka bidixdiisa oo tilmaamaya wehelin ama wax wada qabsi. Tus. “Cali buu la socdaa”, “Wuu ila shaqeeyaa”, “Kursigaan la tag!”.
la' Wax, wax ka maqanyihiin ahaansho.
la'aan eeg la'. ld la'aansho, la'i, li'i.
la'aansho ld la'aan.
la'i ld la'aan.
laa ld lay.
laab (1) 1. Calaamadda uu reebo shay fidsan oo laysku soo rogey. 2. Meel leexsan; luuq; jiiro.
laab (2) Qallooc ku dhacay lakabyo dhadhaabeed, oo ay keeneen dhaqdhaqaaqyo ku dhacay oogada dhulka.
laab (3) 1. Jirka dadka soo jeedka inta u dexeysa luqunta iyo caloosha; xabad. 2. Qalbi; niyad.
laab (4) Maro, bir, warqad iwm dacalladeeda isku soo celin.
laabad ld laabasho.
laaban (1) Wax aan fidsanayn noqosho.
laaban (2) 1. Wax aan kala baxsanayn ahaansho. 2. Wax aan weli la samayn ahaansho.
laabasho eeg laabo. ld laabad.
laabato 1. Meesha xubnaha waaweyni iska galaan oo laallaabata. 2. ld laabad.
laabbis Qalin qori ah oo dhexda dhuxul madow uga jirto; qalin rasaas. ld laabis.
laabid eeg laab4. ld laabis², laabniin.
laabis (1) ld laabis.
laabis (2) ld laabid.
laabjeex (daaw.) Kulayl iyo xanuun wada socda oo laga dareemo jadiinka iyo caloosha. ld laabqarrar.
laabla' Qof aan xusuus lahayn ahaansho.
laabla'aan eeg laabla'. ld laabla'aansho.
laabla'aansho ld laabla'aan.
laablaab (1) Xeelad dan lagu fushanayo. ld laallaab.
laablaab (2) 1. Wax fidsanaa duudduubid. 2. Arrin aan fuliddeeda la rabin ka warwareegid. ld laallaab².
laablaabad ld laablaabasho.
laablaaban (1) Wax isku duudduubmay noqosho. ld laallaaban¹.
laablaaban (2) Wax isku duudduuban ahaansho. ld laallaaban².
1 2 3 4 5 6 > >>