Ereyga Maanta: hadwasho
duudsi (3) Xaq qof lahaa seejin. ld duudsii.
duudsii ld duudsi³.
duudsiin ld duudsiyid.
duudsiyid eeg duudsi³. ld duudsin.
duudso 1. Ilmo duud ku xambaarasho. 2. Biyo yar oo weel salkiisa ku jira ka shubasho.
duuf (1) 1. Hilib la nacay. 2. ld duufid.
duuf (2) 1. Xaaraan; baqti; wax xun. 2. ld diif. 3. ld duufid.
duuf (3) Ku d.: cid si loola dagaallamo ku boodid.
duuf (4) Ka soo d.: soo farabbaxsasho (dagaal); weyrax.
duufaan Dabayl xoog leh, roob wadata oo waxyeello dhulka gaarsiisa.
duufaan-kulaalay (juqr.) Gobol cadaadis hoose leh, dhulkeedu wuu yar yahay, laakiin waxay leedahay duufaan xoog leh, oo ka soo bilaabma gobollada kullalayda, runtii, waxay la mid tahay godan, laakiin way yartahay aadna way u xoog badantahay.
duufaan-onkodle (fiis.) Duufaan maayado hawo sare oo xooggan leh, oo sameeya daruuro kumuloonimbas ah oo aad u kobocsan, oo leh dhibco aad u waaweyn, oo yeelan kara baraf dhagax ah, kolkaa danab qulqulka sameysmaa bhaliyo hillaacyo, iyo onkod ka dhashay fididda hawada kulka badan e hilaaca darteed.
duufid eeg duuf². ld duuf¹ (2).
duufid (1) eeg duuf². ld duuuf¹ (3).
duuflaal (1) 1. Nin aan wax tashiilan. 2. Nin aan shaqayste ahayn.
duuflaal (2) Sabool noqosho (cid).
duuflaalad 1. Naag aan wax tashiilan. 2. Naag aan shaqaysato ahayn.
duuflaalid eeg duuflaal².
duuflaalnimo Duuflaal ahaansho.
duufsad ld duufsasho.
duufsad (1) ld diifsasho.
duufsamid eeg duufsan¹.
duufsan (1) Wax la duufsaday noqosho.
duufsan (2) Wax la duufsaday ahaansho.
duufsanaan eeg duufsan². ld duufsanaansho.
duufsanaansho ld duufsanaan.
duufsasho eeg duufso. ld duufsad, duufsi.
duufsasho (1) ld diifsasho.
duufsi ld duufsasho.
duufsi (1) ld diifsasho.
<< < 210 211 212 213 214 215 216 217 218 > >>