duufso Cid fal xun in ay samayso u hor kicid.
duufso (1) ld diifso.
duug (1) Wax muddo badan lagu dhaq- mayey.
duug (2) (taar.) (qadiim) Waxay tilmaamaysa waayadii hore, xilliyadii Masaaridii hore, Giriiga, iyo Roomaanka.
duug (3) 1. Xoolaha la qalo marka qof dhinto; axan; qoriqaad. 2. ld duugid.
duug (4) 1. Wax xabaalid. 2. Qof muruqyadu xanuunayaan u daliigid. 3. Harag iwm jilcin. 4. Geellisid.
duugan (1) Wax la xabaalay noqosho.
duugan (2) Wax la xabaalay ahaansho.
duugid eeg duug³. ld duug² (2), duugis.
duugis ld duugid.
duugkufaar Hanti weyn oo ka kooban badanaa dahab iwm oo ummado hore looga haray.
duugmid eeg duugan¹.
duugmo 1. Daliigidda qof muruqyadu xanuunayaan la daliigo. 2. Jilcinta harag la jilciyo, iyada oo la daliigayo.
duugnaan eeg duugan². ld duug-naansho.
duugnaansho ld duugnaan.
duugoobid eeg duugow². ld duugow¹.
duugow (1) ld dugoobid.
duugow (2) Duug noqosho (wax).
duuh I tus.
duul (1) (baay.) Heer loo isticmaalo kala soocidda noolayaasha, kaas oo ka kooban tiro sinjiyaddoodu ay isku egyihiin ama ay isku dhawyihiin.
duul (2) 1. Dad aad u badan oo aan la aqoon. 2. Jinni.
duul (3) 1. Diyaarad, shimbir iwm hawada dhexdeeda marid. 2. Diyaarad iwm ku safrid.
duul (4) Dad badan in ay dagaal qaadaan u bixid.
duulaa Halaq halis ah, boodda dheer oo madow.
duulal ld duul¹ (2).
duulduul (1) 1. Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan cidi ku sifoowdo. 2. ld duulduulid.
duulduul (2) Fudayd iyo wax ka fiirsasho la'aan ku kicid.
duulduulid eeg duulduul². ld duulduul¹ (2).
duule Qof dhibaato badan, dhallin yar.
duule (1) Col; qof duulaya.
<< < 211 212 213 214 215 216 217 218 > >>