Bandhigga Caalamiga ah ee Buugaagta Hargeysa 2017

hibf2017-1

Hargeysa (Somalilandtoday)-Carwada Buugta Calaamiga ah ee Hargeysa, ayaa si rasmi ah looga furay dhismaha cusub ee xarunta dhaqanka Hargeysa. Carwadan buugta ayaa ah mid sannadkiiba hal mar lagu qabto magaalada Hargeysa, iyadoo sannad walba lagu soo casuumo waddamo badan isla markaana uu wadan kamida waddamada Africa uu noqdo marti, sannadkan waxa marti ah waddanka koonfur Africa. Sidoo kalena sannad walba waxa lagaga hadlaa mawduuc gaar ah hal-ku-dhega sannadkanna waxa uu ahaa “Xidhiidhsamida” Carwadan ayaa gashay sannad guuradii 10-aad.

Munaasibada furitaanka oo ay khudbad ka jeediyeen masuuliyiin badan iyo xubno ka mid ah wufuuda ka soo qayb gashay bandhiga sanadkan ayey dhamaantood ku dheeraadeen muhiimada Carwada buugta Hargeysa leedahay, waxaana ugu horeyn xaflada furay wasiirka wasaarada arrimaha dibada Somaliland Dr Sacad Cali Shire, isagoo si wayn usoo dhaweeyay martida iyo dadka kasoo qeyb galay sannadkan “Martida bandhiga ee ka timid masaafada fog iyo dhammaan ka soo qaybgalayaasha waxaan ku soo dhaweynaynaa sannad guurada tobnaad ee bandhiga buugta hargeysa” Dr, Sacad Cali Shire wasiisrka wasaaradda arrimaha dibada ayaa sheegay in xidhiidhsamida ka dhaxaysa dadka reer Somaliland iyo wadamada jaarka iyo kuwa caalamku ba ay tahay mid hore u socad keeda leh. Bandhigan buugta ee Hargeysa iyo carwaduna ay door weyn ka qaadato isku xidhka qurba jooga reer Somaliland iyo dadka ku nool dalka gudihiisa.




Waxa sidoo kale ka hadashay bandhiga buugta ee Hargeysa safiirka EU da Amb. Veronique Lorenzo waxaanay tidhi “Xidhiidhsamidu waa habka ay bulshadu iskugu wada xidhanto iyada oo wadaageysa arrimaha taabanaya dhammaan dhinacyada kala duwan ee xidhiidhka bulshada” sidoo kale safiirada ayaa sheegtay in bandhigani uu yahay mid Somaliland u leh faa’idooyin badan.
Sidoo kale waxa isna ka hadlay bandhiga buugta ee Hargeysa Prof,Axmed Ismaaciil Samatar oo sheegay doorka xidhiidhsamida ee Somaliland.. isaga oo ka hadlaya astaamaha xidhiidhsamida ee ka dhaxeeya ummadda ku nool Somaliland ayaa waxa uu yidhi “Somaliland dadka ku nooli waxa ay ku wada hadlaan lahjad isku mid ah oo aan lahayn wax kala duwanaansho ah,sidoo kalena waxa ay wadaagaan taariikh iyo dhaqan isku tiirsan oo ku salaysan dhankasta oo nolosha ah”
Bandhiga buugta ee Hargeysa waxa isna sidoo kale ka hadlay Dr.Iqbal oo ah safiirkii hore ee South Afrika u fadhiyey dalka Eriterea waxaanu sheegay sida uu ugu faraxsanyahay in uu ka mid noqdo martida bandhiga buugta Hargeysa waxaanu yidhi “ Aad baan uugu faraxsanahay ka soo qayb galka bandhiga buugta Hargeysa sannad guuradiisa tobnaad. Hal-ku-dhega sannadka ee ah Xidhiidhsami waxa uu inagu baraarujinayaa in aan ogaano in ay jiraan xidhiidho ka dhexeeya taariikhda Soomaalida weliba gaar ahaan marka laga hadlayo dawladii burburtay ee lagu midoobay”
Sidoo kale waxa uu tusaale u soo qaatay in xidhiidhsamidu (Connectivity) uu yahay mid diinta Islaamka ku taxan tusaalena waxa uu u soo qaatay sida uu ay u wada xidhiidhsanyihiin magacayada Alle ee ah ‘Raxmaan iyo Raxiim’
Dr.Adna Adan ismaaciil oo iyadna ka mid ahayd martida bandhiga buugta ee Hargysa ayaa soo dhaweysay martida ka timid dalalka kala duwan ee masaafada u soo maray si ay uuga qayb qaataan bandhiga buugta Hargeysa oo galay sannadguuradiisii tobnaad. Dr. Adna oo ka hadlaysa sida ay muhiim u tahay carwada buugta ee Hargeysa aya tidhi “Carwadani aad baan ugu faraxsanahay doorka ay ka qaadatay in la gudbiyo caalamkana la gaadhsiiyo fariinta Somaliland. Somaliland ay tahay dal horumar ku talaabsanaya sidoo kalena u baahan in bulshada caalamku ay qiraan Somaliland iyo horumarkeeda”ayay tidhi Edna Aaadan iyadoo intaasina ku dartay “Somaliya waa in ay casharo badan ka barataaa Somaliland kuwaasi oo ay ka mid yihiin ‘Waaxaha dawladda, ururada iyo qaab dhismeedka daleed ba’ Sidoo kale Somaliland ma joogaan ciidamo shisheeye, waxaan jecelahay in aan wadankayga Somaliland ku hambalyeeyo heerkaa ay gaadhay”
Ugu dambeyn waxa ka hadshay bandhiga buugta ee Hargeysa Safiirka Somaliland u fadhiya England Ayaan Maxamuud Cashuur waxaana hadalkeedii ka mida ahaa “Waxan soo dhaweynayaa dhammaan martida iyo ka soo qayb galayaasha bandhiga buugta ee Hargeysa, sidoo kale aad baan ugu faraxsanahay in aynu maanta xusayno bandhigii tobnaad ee buugta Hargeysa kaas oo soo maray waayo badan. Waxa sidoo kale xusid mudan in tobankaa sanno aynu weynay halyeyo badan oo qarankan udub dhexaad u ahaa ayna tahay in aynu marwalba xusno oo xasuusnaano.”
Bandhigan carwada buugta ee Hargeysa oo maanta si rasmi ah uuga furmay Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ayaa lagaga hadli doonnaa maduucyo badan. Hal-ku-dhega sannadkan oo ah “Connectivity” Xidhiidhsami ayaa socon donna lix cisho oo ka bilaabantay 22-7-2017 illaa 27-7-2017

Leave a Reply