baad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. Hanti qof ama dadkii laga adkaado baxsho. 2. Hadiyad la siiyo qof madax ah.
  2. 1. Caws, caleen, xaab iwm oo ay xooluhu daaqaan; daaq. 2. (-dad, m.l) Mid ka mid ah labada garab ee haadda ama dayuurad; baal.
  3. Qof laga adag yahay hanti khasab uga qaadid.
  4. Hooy ka dhixid (qof ama xoolo).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

daaq

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Caws, caleen iwm oo ay xooluhu cunaan; baad. 2. ld daaqid.
  2. Caws, caleen iwm cunid (xoolo).
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

baal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lal, m.l/dh)

Macnaha:

  1. 1. Garbaha haadda ama daayuuradaha ay ku duulaan midkood. 2. Dhogorta shimbiraha. 3. Xaanshi jilicsan, cabir gaar ah oo wax lagu qoro leh. 4. ld baalcas. Diqsi weyn oo xoolaha dhiigga ka nuuga, cudurka dhukaankana u kala qaada. 5. Buunshe. 6. B.ka isha: timo yaryar gaagaaban oo ka baxa afka daboollada isha naaslayda. 7. Cudur ku dhaca carruurta oo qaraw iyo caddaad leh. 8. Cudur ku dhaca geela oo qoorta qalloociya.
  2. Dhinac, doc. Tus. “Baasha midigta ee albaabka istaag”.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur