aad
Qaabnax: mu.dhm.y
Macnaha:
- Magacuyaal tilmaama qofka labaad ee kelida ah (lala hadlaha ama wax loo qoraha). "Ninka aad la hadashay waa walaalkay". ld aa(2), aydin.
- 1. Isku ?a. cayaar: isku beegnaan cayaar. 2. ld aadid.
- 1. Isku beegnaanta laba meelood ama shay. 2. Badan, si daran. 3. A. yar: ld aayar.
- 1. (f.g) Meel u socdaalid ama u kicid. 2. (f.mg) Ku a.: wax wax kale u dhigmid. 3. (f.mg) Ku ?a.: cunto cabid iwm cid ku filnaan. 4. (f.mg) Ku ?a.: wax muuqaalkooda wax kale isku gudbid. 5. (f.mg) Ku ?a.: meel aadisteeda wax u adeegsasho. Tusaale: “Cali baabuur buu Kismaayo ku aaday”.
Lamidka: aa, aydin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

