bed

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-dad, m.l)

Macnaha:

  1. Masaaxa dhul ku fadhiiyo.
  2. (xis.) Summad A. Cabbirka ama baaxadda dul. Dushu waxa ay noqon kartaa dul sallax ah ama dul xoodan. Halbeegga caalamiga ah ee bedka waa mitir labajibbaaran (m2).
  3. 1. Caafimaad; ladnaan. 2. Badbaado. ld bad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

caafimaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Cudur iyo jirro la'aan.
  2. Cudur, jirro iwm ka bogsasho.

Lamidka: bogso

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

ladnaan

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg ladan. ld ladnaansho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

badbaado

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Xaalad aan khatar lahayn oo ay wax ku sugnaadaan.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

bad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. ld bed³.
  2. 1. Biyo badan, dhanaan oo dhulka intiisa badan ku rogan; maanyo. 2. Goobta lagu ciyaaro turubka. 3. B.da gabayga: baabka gabayga.
  3. 1. (f.g) Cid wax dhibaato leh oo aysan raalli ka ahayn ku jirrabid. 2. (f.lg) ld bid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur