faarQaabnax: Magac Lab ah | Masculine NounMacnaha:Caano, dawo, rinji iwm intooda adkaata marka ay kala baxaan.1. (f.mg) Caano, dawo iwm bur iyo u biyo u kala bixid. 2. (f.g) ld far².Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur+Ku dar▲0▼0
farQaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine NounIsrogrogga: (-ro, m.l)Macnaha:1. Xubnaha dhuudhuban oo ciddiyuhu ku yaallaan oo gacmaha iyo cagaha dadku ku dhammaadaan middood. 2. Hab loo qoro af. 3. Jeex biyo mareen ah. 4. Fandhaal 5. Xuruuf loo adeegsado qorista afka. 6. Hab farshaxan oo wax loo sameeyo.1. Meel, jir iwm qalab caarad dhuuban ku qodid. 2. Cid farriin u dhiibid. 3. Cid amar siin.Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur▲0▼0