alan
Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun
Macnaha:
- (almo/-nno, m.dh) Xubnaha geedka qasabka middood.
- (almo/-nno, m.dh) (nax.) Erey waxaa loo qaybin karaa xubno tiradooda la mid ah inta shaqal uu leeyahay ereygaas (sida madax -> ma-dax); xubin waliba waxaa lagu magacaabaa alan; erey wuxuu noqon karaa hal alanle (cir), laba alanle (ma-dax), saddex alanle (dib-ka-be), iwm; xusuusnaada in shaqalka dheer lagu tiriyo hal shaqal ama hal cod (ii, aa iwm) sida shibanayaashan oo kale - dh, sh, kh, oo aan la kala qaybin karin.

