aliil

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-lo, m.dh)

Macnaha:

  1. (baay.) Mid ka mid ah muuqaallada talantaalliga ah ee hiddo side. Noolayaasha badankoodu waxay leeyihiin laba aliil oo midba hiddoside ka yimid (midba waalid ka yimid), kaas oo ku jira koromosoomyo iskumid ah. Hal aliil badanaa waxa uu shiiqiyaa ka kale oo loo yaqaan shiiqsane, kaas oo ay ka baxaan astaamaha u gaarka ah noolahaas.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur