bandiirad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. Cad maro ah oo midabyo iyo qiyaas loo yaqaan leh oo astaan u ah qarannimada ummadeed; calan. ld bandiiro.

calan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ammo/-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Cad maro ah oo dowlad, hay'ad, maamul iwm astaan u ah. 2. Midab madow oo ay iduhu qaarka hore ku yeeshaan.
  2. Barwaaqo, caafimaad iwm oo ka muuqda xoolaha jirkooda.

bandiiro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld bandiirad.