beled

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-ldaan, m.dh)

Macnaha:

  1. Degaan leh guryo badan, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo, waddooyin dhaadheer iwm; magaalo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

magaalo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Meel dad badani wada degganyahay oo leh guryo badan, waddooyin, dukaamo, dugsiyo, isbitaallo iwm; beled.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur