caabbin

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld caabbiyid.
  2. Summad: R. Saamiga keyd faraqa ee geftinnada gudbiye iyo qulqulka danabka ee dhexmaraya gudbiyaha. Sidaas awgeed, caabbi waa caabbirka hakinta qulqulka danabka. R = V/I taas oo V ay tahay keyd faraqa, I ay tahay qulqulka danabka. Caabbiga waxa lagu cabbiraa oom (omega).
  3. (taar.) Iska caabbin cadow ama weerar dagaal, ficil ay dadku ku qaadaan si ay u helaan xornimo, ama iskacelin weerar.

Lamidka: caabbiyid

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

caabbiyid

Qaabnax: Magac Fal Dheddig | Noun Verb Feminine

Macnaha:

  1. eeg caabbi(2). ld caabbi(1), caabbin, caabbis.

Lamidka: caabbi, caabbin, caabbis

Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

summad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-do, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Calaamad xoolaha lagu dhigo oo lagu kala sooco. 2. Lambarrada iyo xuruufta diiwaansan ee la siiyo warqadaha xafiisyadu isu diraan. ld sumad¹.
  2. Xoolo iwm calaamad lagu kala sooco u yeelid. ld sumad².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur