calaamo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. 1. (-ooyin, m.l) Tilmaan gaar ah oo wax leeyahay oo waxyaabaha la nooca ah looga garto; astaan. 2. Belo; masiibo. 3. C. ah: curyaan. ld calaamad.

astaan

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-aamo, m.l)

Macnaha:

  1. Summad. ld asto.
  2. (nax.) Curiye muhim ah oo dhisa unugga ugu yar ee hadalka; astaan afeed baa lagu magacaabaa xiriirka ka dhexeeya macnaha (nuxurka ereyga) iyo lafdiga (qaabka ereyga). “A. kooban”: hal erey ama in ka badan oo la soo koobo, badanaana waxaa la qaataa erey waliba xarafkiisa ugu horreeya. Tus. “sh. = shilin, U.N. = United Nations”.
  3. (daaw.) Tilmaan cudur leeyahay ama isbeddel hab hawleedyo jirka oo bukaanka laftigiisu dareemo. ld asto.

belo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld belaayo.

masiibo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld musiibo.

curyaan

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Qof labada lugood beelay. 2. Hawl socon waayday.
  2. Qof labada lugood beelid.

calaamad

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld calaamo.