caloolweynad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Cudur kaneecada laga qaado oo beeryarada barariya; bu'; weled. ld uurweynaad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

weled

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Beeryarada oo jirrata aadna u bararta. 2. (awlaad, m.dh) Ilmo la dhalay. 3. Kasha badarka lagu tumo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

uurweynaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Cudur dadka ku dhaca oo beeryarada barariya, uurkana weyneeya. ld caloolweynad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur