carsaanyow

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. (daaw.) Cudur halis ah oo jirka meeshuu gala cuna si dhaqsana ugu fida oo ilaa meeshii uu ku dhacay la gooyo aan laga bogsoon; feex; fayiix; buro; bahalaad.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

feex

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-xo, m.l)

Macnaha:

  1. (daaw.) Buro carjaw ah, oogada nafleyda ka soo baxda jug hore oo gaartey awgeed. ld faax¹ (3), fayiix, fiix².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

fayiix

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. ld feex.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur

buro

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Haan yar; aagaan. ld buray².
  2. 1. Hilib aan caadi ahayn, kuusan oo jirka naflayda meel ka mid ah ka soo baxa. 2. Sed dheeraad ah oo cid la siiyo.
  3. (daaw.) Bararid: astaamaha caanka ah ee halaamacoodka midkood; saddexda kale waxa weeye: kul, casaan, iyo xanuun. Meesha halaamacoodsan waxa bararka u keena ayadoo xididdada yaryarka ah ee dhiigga ka yimaado dhacaan la socdaan boroteyin oo ku urura unugyada dhexdooda.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur